Raysal,wasaare Khayre Oo Fuulay Buur Dheer Oo Muuse Biixi Ka Soo Siibtay

0
429
Burcaawi Danjiraha Soomaaliweyn

Hargeysa,{Baraarugnews.net)-Raysal,wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo Jidka Figta  Buurta dusheeda Saaray iyo Kornayl Muuse Biixi Cabdi oo fuuli kariwayey ama awoodi kariwayey innuu buurta dhakadeeda u baxo ama fuulo.
Qormadii Koowaad,
Bilawgii Nolashiisa  Raysal,wasaare Khayre siyaasadeed markiiba wuxuu noqday magaciisu mid ka dhalaal ,muuqaal iyo iftiin badan ka madaxweeynaha Somaliya, Balse marka la soo qaato sawirka siyaasadda Kornayl Muuse Biixi Cabdi ayaa ah shakhsi qaab qabiil ku fuulay kursiga, walina waxyaabaha dhaqanka Siyaasadeed ee uu dheer yahay hogaamiyaasha koonfurta Soomaaliya waxa weeye shakhsi aan naftiisa ku aaminikarin innuu dhex lugeeyo si xor ah shacabka reer Somaliland, kaasoo dambiyo weyn oo uu sameeyay dagaalkii sukeeye loo tirinayo Muuse Biixi, taasina keentay dib u socdanka siyaasadiisa.
Farmaajo oo jooga ayaa la yidhi Hebel waxaa darajeeyay Khayre hebelna waxaa Damiyay khayre.
Wuxuu noqday magaciisu mid ka saamayn badan ka madaxweeynaha Soomaliya isagoo magaciisu usoo jiitay dhagaha dadka sida magnadku usoo jiito Birta.
Waxaa laga sheekeeyay qaababka hadalkiisa ,labiskiisa,ilaaladiisa iwm.
Qaab kasta oo ay ugu suurta gashaba wuxuu awooday in magaciisu boos ka helo meesha lagu hadal haya dadka Soomaalida maanta saamaynta ku leh Saamayntaasi ha noqoto mid fiican amaba xunbee.
Wuxuu durbadiiba la wareegay furayaasha Albaabada isagoo usoo reebay Madaxweyne farmaajo furaha albaabka banaanka ama dayrka iyo kan daarada laga soo galo hase ahaate dhammaan gacantiisa ku haya furayaasha Qolaalka kale, taasi oo sahlaysa hadii barri ka maalin isaga iyo madaxweeynuhu is qabtaan maadaama aan siyaasadu lahayn saaxiib iyo Cadaw joogta ah inuu si fudud Duufaan iyo Daad ugu kiciyo qaadi kara.
Khayre uma muuqdo nin raba inuu furayaasha inta ku hadhay gacanta farmaajo inuu la wareego balse waxay u muuqataa inuu dhisayo Taa wax kasii magac iyo mansab roon ba balse maalin ay ahaataba uu wadadiisa ka leexin doono yadoon Juhdi,magac iyo maal badani toona ka burburi.

Waxa qoray qoraalkan khaasna u tahay qalinka aragtida xorta ah Burcaawi Danjiraha Soomaaliweyn

Baraashug00@gmail.com or Caarshe7@hotmail.com


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here