Raysal,wasaare Xasan Khayre Muxuu Ka Yidhi Qaabka Xuska 21-ka Sano Guurada Ka Soo Wareegtay Markii Dhidibada Loo Taagay Puntland?

0
37
Raysal,wasaare Xasan Khayre Muxuu Ka Yidhi Xuska 21-ka Sano Guurada Ka Soo Wareegtay Markii Dhidibada Loo Taagay Puntland?

Muqdisho, (Baraarugnews.net)- Dhuusamareeb, Khamiis, Agoosto 01, 2019— Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada Dowlad Gobaleedka Puntland ugu hambalyeeyay munaasabadda xuska 1da August oo ku beegan 21 sano guurada kasoo wareegtay maalintii dhidibada loo taagay.

“Hambalyo dhammaan reer Puntland. Waxaan idiinku hambalyeynayaa munaasabadda 21 guurada ka soo wareegatay markii la aasaasay Dowlad Goboleedka Puntland. Waxaan bogaadinayaa horumarka ay Puntland ku tillaabsatay 21kii sano ee ay jirtay” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa bogaadiyay horumarka dhanka maamulka iyo xasilloonida ay Puntland ku tillaabsatay 21-ka sano ee ay jirtay, waxa uuna ku dhiirri geliyay in ay sii xoojiyaan ka shaqeynta horumarka deegaanka iyo guud ahaan qarannimada Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa reer Puntland iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed u rajeeyay horumar ballaaran, nabad iyo barwaaqo.

—DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka Muqdisho, Soomaaliya 
www.opm.gov.so
media@opm.gov.so
https://www.flickr.com/photos/opmsomalia/
Twitter:
@SomaliPM
@HassanAKhaire
https://www.facebook.com/OPMSomalia
https://www.facebook.com/HassanAliKhaire

Xafiiska magaalada Hargeysa ee Wararka ee Baraarugnews.net

MIAL:-Caarshe7@hotmail.com


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here