“Rayte Iyo Qolo Looyaro Ah Ayaa Khaatulaahi Ka Joogaa Oo Mid-ba Wax Ii Sheego. Dhegta Ha…Mid waan la yaabanahay Oo Ma Ogoli. Erayga U Hiili. Horta Yaa Ciilay Dumarka?

0
31
“Rayte Iyo Qolo Looyaro Ah Ayaa Khaatulaahi Ka Joogaa Oo Mid-ba Wax Ii Sheego. Dhegta Ha...Mid waan la yaabanahay Oo Ma Ogoli. Erayga U Hiili. Horta Yaa Ciilay Dumarka?

Hargeysa,(Baraarugnews.net)-Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo maanta Khudbad Ka Jeediyey Shir-weynaha Haweenka Somaliland, ayaa sheegay innuu khaatiyaan ka taagan yahay oo ka shaqayn ka riwaayey looyaro xeerarkii iyo dastuurkii uu lahaa mar walba ay ku qabsadeen qaabka uu u maamulayey hayadaha dalka Somaliland ka jira, isla markaana uu ku dawaqay qaabka nidaamka xeerarka kala xadaynaya hayadaha qaranka Somaliland.

“Anigu waxaan qabaa, raggu waxay ilaaliyaan, ee dhibaatada ka dhawraan ee nafta u huraan inay ilaaliyaan haweenka. Haddii dumarka dhibaato ku soo socoto dumarka ay ka hortagaan. Eraygaasi waa dambi weyn,Waana culus yahay. U Hiiliya Dumarka Macnaheedu waxa weeye wax-ba ma tihidin ragiiyow.Xeerarka aynu ku dhaqano waa saddex.Xeer waa kii dhaqankeena. Midna waa xeerka Islaamka. Midna waa xeerarka baarlamaankeenu sameeyo ee caadiga ah. Waxa na hortaagan waa xeerarkeenii, wax ka badel badan, iyo dood badan ayey u baahan yihiin.Xildhibaan Raytiyo iyo qolo looyaro ah ayaan khaatulaahi ka joogaa  oo mid-ba wax ii sheego oo kugu qabsanaaya markaad qodob soo qaadaba. Markaa mid dhigtaba mid kale ayaa dhinaca ka qabsanaaya oo dood iyo hadal ka biximaysid qodobkii xeer ee aad soo qaaday. Nimankaas Looyarada ahna ma taladooda ha la ururiyo oo ha midoobaan oo mid-ba yaanu dhegta wax noo saarin ee nimankaa wax ha laga qabto looyaqada ah,”Sidaa ayuu yidhi Muuse Biixi oo ka hadlay shirweyne loogu magic daray haweenka Somaliland.

Xafiiska Wararka ee Baraarugnews.netss

MIAL:-Caarshe7@hotmail.com


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here