Maraykan,(Baraarugnews.net)-Abwaan Haybe Axmed Yuusuf oo ka mid ah Abwaanida Soomaalida ee magaca weyn ku leh guud ahaan shacabka iyo dhulka soomaalida ee ku dhaqan cariga dalka Maraykanka ayaa tiriyay Maanso uu kaga hadlayo Cabdi Warsame, isla markaana Abwaanka ayaa suugaan ku sharaxay sifaha Cabdi Warsame iyo hab-dhaqankiisa shakhsinimo ee Cabdi Warsame leeyahay.
Halkan ka akhriso Maansada uu u tiriyey Abwaan Haybe Axmed Yuusuf Cabdi Warsame, waxaanuu yidhi.
“CEEBAAL MAJIREE
CABDAYNU NAHAY
( CABDI WARSAME ),
Cir hooray gubaa,
Caleenta baxshoo,
Cusaybka dhirtaa,
Udgoon caraftoo,
Cadceed dhalataa,
Falaadh celisoo,
Warsame Cabdi ,
Waa Calaamad jirtee,
Ceebaal majiree
Cabdaynu nahay
…………………………….
Bulshaa Calmatoo
Ku caano shubtoo
Ma caajiso ruux
Codkiisa maqloo
Caynaano horlaa
Caruurtu heshoo
Ciroolaha waa
U ciidmay hadoo
Ruuxii cadilaa
Codsuu uqoroo
Markaa cugateen
Waxbuu curiyoo
Waakaa Carabkii
cidlada mariyoo
UCad gooyey dadkuu
Cadaadinayoo
Ceebaal ma jiree
Cabdaynu nahay
&&&&&&&&&&
Carabka bulshadaan
Doraad cabiroo
Coodaashey dadkuu
La caana dhamoo
Intuu istareed
Calaamadiyiyo
TALEEXDA cabiran
Cabdoow aragtee
Haduu casarkaa
Cayaarta badsho
Cimaarad sarena
Cirkaw kiciyo
Cilmigii bulshaduu
Caleys gelinoo
Beribuu calmadow
Cadaanka tusiye
Ceebaal majiree
Cabdaynu nahay
&&&&&&&&&’&
&&&&&&&&&&
Kuwaa cuqdadiyo
Camaalaq wadoo
Caanteynlaa soo
Cayaar gudayee
Ruuxaan na cajebin
Cod uma haynoo
Cadaatay inuu
Colkaasi jabee
Cakuye marlabaad
Ku caana shuboo
Codkiina ku
Siiya ceebli’i/Waxa tiriyey Abwaan Haybe Axmed Yuusuf (Samadoon).
Emial Office Hargeysa>-Caarshe7@hotmail.com or baraarugnews@gmail.com