Ruwaayadii Galaafatay Kooxda BARAARUG Ee Gobolka SOOL.

0
118

Kooxda BARAARUG waa Urur ay ku midoobeen dhalinyaro isugu jira Abwaano,Fanaaniin iyo Jilayaal kana jira Gobolka SOOL iyo degmooyinkiisa.

Kooxda Baraarug ayaa ka shaqeeya Wacyigelinta, midnimada iyo horumarka bulshada ku dhaqan deegaanadaas.

Kooxda Baraarug ayaa waxay soo bandhigeen Ruwaayad magaceeda la yidhaahdo “BALOODHKA IGA ROG”, kana hadlaysay dhibaatooyinka dadweynaha ka haysta Dawladaha Hoose, waxaanay noqotay ruwaayadani mid soo jiidatay dadweynaha ku dhaqan Gobolka SOOL, isla markaana waxay sababtay in xabsiga loo taxaabo Guddomiyihii Kooxda Baraarug Abwaan Cabdisamad Siciid Cali (Abwaan-CEELEEYE) iyo Iimaan Jaamac oo xubin ka ah Kooxda.

Hadaba Shabakada Wararka ee Baraarugnews waxay macaamiisheeda u soo gudbinaysaa Ruwaayadii oo ay Kooxda Baraarug jilayaan ee DAAWASHO-WACAN.

Baraarugnews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email:caarshe7@hotmail.com

 


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here