Saacad  (Daqiiqad), Noloshaadii Oo Dhan Ma Gashay Dhankasta Go’doon?

0
27
Saacad  (Daqiiqad), Noloshaadii Oo Dhan Ma Gashay Dhankasta Go’doon?

Hargeysa, (Baraarugnews.net)- “Cibro QaadashoWaxay ahayd Deero Riman, Waxaa Qabatay Fool, waxayna aaday dhul aad ufog oo kayn ah si ay ugu soo dhasho, Oo uu udhawaa Wabi.
iyadoo foolanaysa ayaa Waxaa dhanka waqooyi ka yimid Roob xoogan waxaana cirkii isqabsaday Onkod.
Kayntii waxaa ka Qarxay dab weyn.
Deeradii waxay fiirisay dhankeeda Midig
Waxay aragtay Nin ugaarsade ah oo doonaya inuu leeb kusoo Gano si uu udisho.
Waxay Hadana eegtay dhanka Bidix,
Waxay aragtay libaax Gaajaysan oo usoo taagsanaya doonayane inuu Cuno.
Deeradii waxaa usoo Baxday labo daran mid dooro.
Waxaa ufurnaa Afar jid midkood:
inay libaaxa dhankiisa aado oo uu cuno.
inay Ugaarsadaha aado oo uu disho.
inay kaynta Holcaysa aado oo ay ku gubato.
iyo inay Wabiga ku Qaraqsanto.

Dhankasta Qatar ayaa kasoo food saartay.waxayna Go’aan satay in ay samayso wixi ay awoodo oo ay Foosheeda iska sii wadato.
Hadaba Maxaa dhacay?.
iftiinkii Biriqda roobka ayaa Ugaarsadihii indha tirtay.

Gamuunkii uu doonayey inuu deerada ku dhufto ayaa booday waxa uuna ku dhacay Libaaxii oo taagnaa dhanka kale ee deerada.
Roobkii ayaa yimid waxa uuna Baqtiijiyay Dabkii kaynta.
Deeradiina Si nabad ah ayay ku dhashay.

Hase yeeshee, Waxa ku soo Maraya maalin, saacad ama daqiiqado Noloshaadii  ka mida oo dhan ay dhankasta gasho  go’doon  oo meel aad u dhaqaaqo aad garan weydo iyo jid aad u dhaqaaqdo, isla markaana xaaladu kugu ciirto oo murugo iyo naxdin welwel kaa hayo jidka ay ku dabayn doonto noloshaada maxaad dareemi laheyd qof kasta oo aadamaha oo adduunka dushiisa ku nool?

xoogga saar wixii aad awoodo, hana ku mashquulin oo waqtiga haysaga lumin wax aadan awoodi karaynin.
Ha oran ilaahow hami wayn ayaan leeyahay ee dheh hammiyow Rabbi wayn ayaan leeyahay.
Marnana Ha illawin Tala saarashada Rabbi ee naftaada iyo in isku xidho illahay, isla markaana arrintan waxa weeye in lagu cibro qaato qof kasta oo aadamaha.

Saacad  (Daqiiqad), Noloshaadii Oo Dhan Ma Gashay Dhankasta Go’doon?
Saacad  (Daqiiqad), Noloshaadii Oo Dhan Ma Gashay Dhankasta Go’doon?

Waxa qoray Qore:Ahmed H.Qadar

 Arragtida  arrimaha Bulshad

Email:Caarshe7@hotmail.com


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here