Saacadihii Ugu Dambeeyay Oo Xaalad Khatar Ah Sii Wajahayso Magaalada Muqdisho &Ciidamaddii Dawlada Farmaajo oo Hab-qabiil isu-weeraraaya

0
122
Saacadihii Ugu Dambeeyay Oo Xaalad Khatar Ah Ay Cagaha La Sii Galayso Magaalada Muqdisho
Saacadihii Ugu Dambeeyay Oo Xaalad Khatar Ah Ay Cagaha La Sii Galayso Magaalada Muqdisho

Muqdisho,(Baraarugnews.net)-Xaalad amaan-daro oo khatar iyo halis badan ayaa saacadihii ugu dambeeyay ka taagan gudaha magaalada Muqdisho, isla markaana todobaadkan ugu dambeeyay ee dhamaaday waxa weeraro isku qadaayey ciidamadii dawlada Madaxweyne Farmaajo ee faderaalka Soomaaliya, iyadoo ciidamada dawladu isu-beegsanaaya hab-qabiil ayaa sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.

Madaxweynaha uu xilkiisa dhamaadka yahay ee  JFS Maxamed Cabdulaahi Farmajo ayaa ku socda aragtidii ahayd dad iyo dal wanaagsan iga dambeyn maayaan, waxaana qaadayaa tallaabo kasta oo aan ku dhaawici karo  jidka wanaagsan ee hadda lagu joogo ee dimoqraadiyadda bilowga ah.

Jebinta distuureka MW Farmajo waxay u tahay caado joogto ah, waxaanau aaminsan yahay inuu dhulka la galo waxkasta oo ummaddaan isku hayn kara. Distuurka waxaa ku qoran in shacbiga somaliyeed si ay u wada joogaan ay doorteen hannaanka Federaalka, isaga waa diidan yahay wuxuuna qaadaa tallaabo kasta lagu wiiqayo.

Iyadoo ay dhammaanayaa muddo xileedka hay’adaha Distuuriga ah oo ay Madaxweynimada kow ka tahay ayaa waxaa loo baahan yahay in la qaado tallaabooyin lagu ilaalinayo in kala guurka uu dalka wax ka halleeyo waxaana bilaabay madaxweynihii HOre Xasan Sheekh Maxamud oo soo saaray waraaq uu ku tilmaamayo dhibatada dhici karta haddaan la qaadin tallaabo distuurka wax looga badalayo.

Waxka badalka distuurka waxaa iska leh oo galaha Barlamanka dalka, waana awood aan lala wadaagin, waxaana ay tahay sida ugu dhakhsaha badan inay fadhiistaan oo ay u wareejiyaan dhameystirka Distuurka iyo cod u qaadistiisa guud barlamanka soo socda ee 11aad, hasa yeeshee waxaa yaab noqotay in madaxweynaha intuu qalin iyo waraaq qaatay distuurkii wax ka so badalay, wuxuuna soo dib u xusuusiyey dad badan xelligii dalkaan lagu xukumi jiray wareegto ka soo baxada xafiiska madaxweynaha.

Tallaabadaan waxay jid u xaareysaan in Bisha Jannaayo dhexdeeda uu Madaxweynaha wax kale ka badalo distuurka oo uu yiraahdo:

Waxaan dheereyey muddo xileedka Mdaxaweynaha oo waxaan ka dhigay 7 ama 9 sano wuxuuna qodobkaan dhaqangalayaa marka uu saxeexo Madaxweynaha Jamhuutriyadda.

Laga bilaabo maalin hebla iyo Taariikh hebla waxaa wax ka badal lagu sameeyey qodobka tirsigiisu yahay xxx ee ka hadlaya arrimaha Federaalka sidaas darted Somaliya Federaal maaha ee waxay yeelatay dowlad dhexe.

Qodobdaan inkasta hadda ay mala awaal kuugu muuqdaan akhriste maxaa diidaya in warqqa ceykaas u qoran inay ka soo baxdo MW Farmajo haddii ay u dhaqangasho tan uu maanta soo saaray oo halkaan ku lifaaqan?

Haddaba si dalka looga badbaadiyo kalitalisnimo iyo in la isku dilo joojinta kalitalisnimadaas waxaa loo baahan yahay:

In dhammaan dadka Masuuliyiinta ee xilalka dalkaan ka soo qabtay inay arrinkaan, gaar ahaa jebita distuurka uu hadda Sameeyey MW Farmajo ay ka hadlaan. Dadka laga sugayo waa:

Guddoomiyayaasha Labada aqal Mudane Cabdi Xashi iyo Mudane Maxamed Sh Mursal, Xildhibaanadda iyo Masuuliyiin labada aqal ee Barlamaanka

Madaxweynayaashii hore ee dalka.

Gudoomiyihii hore ee Barlamanka Mudane Maxamed Sheekh Cusman Jawaari oo isaga lagu tuhmayo aqoon sharciyeed gaar ahaan shuruucda Barlamanka xubinna ka ah Goalaha shacibiga.

Guddoomiyaha Guddiga Dib-u eegista Distuurka Sanetor, Gen. Cabdi Xasan Cawaale ‘Qeydiid”

Madaxa Xisbiyada dalka oo ay tahay inay Xaska ka soo baxaan soo saaraan qoraallo lagu xusuusan doono halka ay ka istaageen markii ay mushkiladda bilaabaneysay.

Madaxda Maamulgoboleedyada iyo dhammaan aqoonyahannada dalka.

Guud ahaan maanta ma joogto heer muxaafid iyo mucaarid la sii kala ahaado waayo haddii madaxweynaha uu bilaabay inuu Wareegto (dikareeto) distuurka uu wax kaga badalo berri ma jiraan wax u diidaya inuu ku kaco labada qodo sare. Qofkastow xilkaaga gudo. Muqdisho Online waa u muuqataa halka taariikhda ummaddaan ka galeyso waa u digid yo xususin  oo kaliya wayna sameysay.


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here