SAAXIIBTINIMADII BISADA?W/Q:-Yuusuf Omar

0
56

Waa maqaal kooban.Taariikhdaa nabaraysa in hadii dal galo Maqnaansho dawladnimo ay umadaasi wajahayso arimahan soosocda.amaan daro,colaad joogta ah,qofba dilo kuu u arko in uu kataagroon yahay isla markaana ka dhaco hantidiisa,kufsi,iskooxaysi maafiyanimo,cadawgii dibada oo kusoo dhexgala oo kaashaqayasta. sharcigii iyo diintii iyo dhaqankii oo burbura hanti iyo naf burburta intaba. cuduro,gaajo iyo nolol aan lahayn mustaqbal iyo higsi intaba. dila iyo dumiya mooyee waxaa la maqli waayaa warkadaaya. intaa iyo kabadan waxaa laga dhaxlaa kolkii daljiraa waayo dawladnimadii. sidaa daraa deed ayaa diinteenu u diiday dawlad la aan,oo waxay ina fartay 50 sanadood oo hogaan xun ah ayaa ka khayr badan halmaalin oo dawlad la aan ah.

 

Dhibka dawlad la aantu wuxuu sababaa in dadka intii uugu maan gaaabsanayd ee aan waxar lagu aamini jirin iska dhaaf masuuliyad qaran ah in ay hogaanka qabato oo hor timaado umada.wixii kadanbeeyay 1991 waxa ina horyimid isuma sheegayno waxay yihiin dadnimo ahaan dawlad aqoon ahaan wadaniyad ahaan karti ahaan cilmi ahaan intaba. waxaana keenay fawdada dawlad la aanta ah in ay ina horyimaadaan. ileen dal dagan iyo dad dagan ma hor imankaro liitaa shisheeye kalkaal ah oo leh maskaxmaafiyo.

 

Hayeeshee ninbaa laga sheegay “curado khayrqaboo u kaca mar unbaa la arki doonaaye” ilaahay rag soomaaliyeed oo wadaniyiin ah ayuu inoo kiciyay dalkiina caymiyay kuna wada hada meel la jaan qaadaysa dawladaha aduunka. fursad bay u ahayd iyo faraj allaah bixiyay imaanshihii ay umada soomaaliyeed dalkooda u doorteen mudane madaxweyne farmaajo. dalkeenu dhawaan waxa uu noqonayaa dalalka aduunka uugu khayraadka badan dadkiisuna uugu nolasha fiican,maxaayeelay dalkeenu khayraad buuleeyahay waxaase inaga maqnaa maskaxdii iyo hogaankii garan lahaa in laga faa iidaysto hada kahor taasaana keentay fakhriga dalkeena iyo dadkeena haystay 100 kii sanadood ee u danbeeyay.

 

Nimanbaa is uruursaday soomaalidu aad u taqaan,qaarkood madaxweynayaal hore ah iyo heerar kala duwan sida wasiiro soomaray.waxay labaxeen midawga musharixiinta madaxweyne. waxaa xulufo la noqday laba maamul goboleed putland iyo jubaland labada nin ee hogaamisa Dani iyo Ahmed oo daba socda.intan oo isbahaysatay ayaa waxaa kusoo biiray odaygii gudoomiyaha u ahaa aqalka sare cabdi xaashi. intani waxay u adeegaan oo aan shaki cidina uuga jirin oo iska cad dawlado shisheeye,oo ah dalal yurubiyaan ah oo adeegsada kenya iyo emaraadka. hadaba madoonayaan yurubiyaanku in ay ismuujiyaan taabadalkeedana waxay adeegsadaan dawladaha carabta iyo afrika gaar ahaan kenaya iyo emaraadka. nimankaan is uruursaday waxay hoos tagaan kenya iyo emaraadka oo dilaal ah.

Waxaad ogtihiin dal aan lahayn ciidan madifaacan karo xuduudiisa,cir iyo bad iyo dhul.hadii illaahay soomaali u kiciyay rag wadaniyiin ah oo dhisaaya ciidankii dalkaa difaaci lahaa,waxaad arkaysaan in nimankaan is uruursaday shisheeye kalkaal ay isku dayeen in ay burburiyaan oo ka hortagaan dhismaha ciidankeena iyagoo had iyo jeer kahadlaaya sirta ciidankeena sida tiradiisa. kuwani way ka xun yihiin cadawga inoo diidan dawladnimada. dalkeena waxay la doonayaan in shisheeye gacanta ku dhigo iyaguna ahaadaan maqaarsaar lacag lasiiyo. iyagu malaha gobonimo diin iyo wadaniyad midna waana nooc yaab leh oo lagu arkay noocyada aadanaha. laakiin dalwalbaa dawlad diidka iyo daba dhilifka sharci buu ka samaysta ah in siijeedka lagu toogto.

Dabeecadaha bisadaha hadaad u fiirsato,waa isu imanayaan oo is uruur sanayaan waawada qoslayaan wada joogaan markaa waxaad u bogaysaa siday saaxiibo u yihiin ee wada jiraan markaad kor ka eegto,laakiin mudo aan dheeraynba waxaad arkaysaa bisadihii oo isrifaaya oo iswada xaganaaya oo dhiig iska keenay oo qaylinaaya is cunaaya kala cararayna!! markaa wax haboon maha daacadna kuma salaysna saaxiibtinimada bisaduhu,saas ayaan usoo qaatay oo waxaa ka dhigan taas kooxahan danlayda ah ee isu tagay ee isu been guuraya iswada khiyaamaya.

 

Kooxdii dani iyo axmadkan daba socdaa,dawladay la heshiiyeen hada,waa ka baxeen midawga musharixiinta, cabdixaashi waa kabaxay wuxuu samaystay GBQ golaha badbaadinta qaranka oo muuse biixi buu lahaystaa, waxa uu kuxigeen ka dhigtay dani iyo ahmedkan daba socda, shariif midawgii waa kabaxay oo isagoo gudoomiye u ahaa hada wuxuu kayahay gudoomiye ku xigeen GBQ ee uu hogaamiye cabdixaashi waxbuu la dhuumanayaa! ururkii midawga maadaxweyne waxaa isaga tagay laba nin oo beesha ogaadeen ah markay arkeen dhaqan xumada iyo khiyaanada lawado ee guuldarada ah.shariif sakiin iyo khayre waa koox gaara oo garigo an cidla ah fadhida,waa is rifayaan oo is cunayaan waana caadada maafiyada iyo daba dhilifka maxaayeelay mabda mayeelan karaan maadaama ay cidkale u adeegayaan.saaxiibtinadooduna waa taas aan ari CAT FRIENDSHIP Waxay shisheeye kalkaani isku dayeen in beesha caalamku talada dalkeena la wareegto oo siday doonaan inaga yeelaan inagoo ah dad iyo dal jira.waxayna u haystaan in shacabka soomaaliyeed ogayn kuwa ay yihiin iyo shaqada ay u hayaan shisheeyaha. waxa uugu yar ee ay dadka soomaaliyeed iyo shacabka ugaysteen waxaa weeye in ay u diideen oo hor istaageen in shacabka soomaaliyeed si xor ah u doortaan qofkay rabaan oo ay codkooda dhiibtaan. waxayna dalkeena ku qasbeen in doorasho la qaato ah 4.5 qabiil wax lagu soo xulo si dawladaha shisheeye ay ugataan xildhibaanada waa siday latahay ee.aduunka lama arag siyaasiyiin diiday in shacab codeeyo oo helo xuquuqdiisa dastuuriga ah,hadana leh itaageera shacaboow!! iisoo banaabaxa shacaboow.hadaba shacabka iyo dawlada soomaaliyeed waxaa waajib ku ah in ay sharciga horkeenaan shisheeye kalkaal. waxaa guul weyn ah nabad galyada buuxda ee kajirta caasimada dalkeena oo ah madixii umada soomaaliyeed. waxaa guul ah fahanka shacabka mogdisho ay fahmeen in ay ilaashadaan hantidooda iyo amaankooda kana digtoonaadaa dhig daata oo macno la aan ah. waxa qoray Yuusuf Omar


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here