Saddexdan-ba Jeelka  Hargeysa Ayay Ku Xidhan Yihiin &Madaxweyne Kornayl Muuse Biixi Maxay Tahay Cadaawada Uu U Hayo Beesha Muuse Abokor?

0
1803

Hargeysa,(Baraarugnews.net)- Xukuumadda Kornayl Muuse Biixi Cabdi, ayaa xidhig iyo weerar dagaal ka dhan ah kula jira dhalinyarada, madax-dhaqmeedka iyo wariyeyaasha Beesha Muuse Abokor, isla markaana arrintan ayaa ceeb iyo laf jab waxay ku tahay bulshada beesha Muuse Abokor ee Habarjeclo innuu talaabooyin u muuqda siyaasad gaar ah oo Muuse Biixi ka leeyahay maanta xukuno kala duwan oo aad u dheer ku rido Boqor Cismaan Buurc-madow oo shan sano ah, Wariye  Maxamed Dirir oo muddo gaadhaysa sided bilood iyo dheeraad ku jira jeelka oo lagu xukumay sannad iyo lix bilood iyo maxamed Kayse oo isna dhawr sano lagu xukumay, dhamaantooda caawa ku jira saldhiga weyn ee magaalada Hargeysa.

Sidoo kale, Madaxweyne Kornayl Muuse Biixi, ayaa intii uu xilka kala wareegay Madaxweynihii hore ee xilka ka degay Axmed Siilaanyo, wuxuu xidh-xidhay dhalinyaro iyo salaadiin iyo odayaal ka soo wada jeeda beesha Muuse Abokor oo lagu xidhxidhay meelo kala duwan oo kala ah Gobolka Togdheer, Saraar, Sanaag, Saaxil iyo magaalada Hargeysa, Balse qaar ka mid ah laga sii daayey saldhigyada ay ku xidhnaayeen oo tiro ahaan marka la isu-geeyo ilaa immika inta qof ee beesha Muuse Abokor laga xidhay ayaa gaadhaaya ilaa 25 qof, halka Boqor Cismaan Buur-madow oo ah Boqorka Geeska Afrika ee soomaalida uu caawa ku dhex-buko saldhiga lagu xidhay  ee saldhiga weyn ee Magaalada Hargeysa, iyadoo jeelka kula jiraan Maxamed Kayse iyo Wariye Maxamed Dirir.


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here