Safiirka Ingiriiska Oo Ka Hadashay Musharraxiinta Xidhan iyo Kuwait xukuuma muuse Biixi baacsanayso

Safiirka Ingiriiska Oo Ka Hadashay Musharraxiinta Xidhan iyo Kuwait xukuuma muuse Biixi baacsanays Hargeysa(Baraarugnews. Net)-Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u qaabilsan Somaliland iyo Somalia Marwo Kate Foster ayaa kulamo ay la qaadatay Madaxweyne Biixi, madaxda Mucaaradka iyo Komishanka Doorashooyinka Qaranka kadib si kooban uga hadashay musharraxiinta ay xidhay xukumadda Somaliland.isla markaana waxa la sheegay in muuse bixid ay u soo jeedisay inuu Farah kala baxo murashaxiinta ay ciidanku doonayaan.

Waxa ay sheegtay in ay soo dhawaynayso dawladda oo muujisay in ay ka go’an tahay xal degdeg ah oo laga gaadho arrinta Musharraxiinta, islamarkaana dhakhso loo abuuro jawi macquul ah oo ay ku qabsoonto doorashada 31-ka bishan ka qabsoomaysa Somaliland ee Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka.

Madaxda xisbiyada mucaaradka ayaa maalmihii u dambeeyay walaac ka muujiyay xadhigga Musharraxiinta oo ay sheegeen in ay mugdi galinayso hufnaanta natiijada doorashada.