Sannadka Muuse Biixi Xilka Hayey Waxa Burburay Astaantii Iyo Nidaamkii Maamul Ee Ka Jiray Somaliland

0
440
Sannadka Muuse Biixi Xilka Hayey Waxa Burburay Astaantii Iyo Nidaamkii Maamul Ee Ka Jiray Somaliland
Sannadka Muuse Biixi Xilka Hayey Waxa Burburay Astaantii Iyo Nidaamkii Maamul Ee Ka Jiray Somaliland

Hargeysa,(Baraarugnews.net)-Kornayl Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa intii uu xilka kala wareegay Madaxweynihii hore ee Axmed Siilaanyo ku hogaamiyey dawladnimadii shacabka reer Somaliland hadaan iyo dalaw dheer ka tuuray, isla markaana  Golaha Wasiiraddiisa ayaa maalin iyo habeen isku dul haysta, waxaana burburay nidaamkii ha’yaddaha dawladda shaqooyinkii ay kala hayeen oo khilaaf hadheeyay iyo maamul-xumo.

Xukuumadda uu hogaaminayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa  sanadkaa ay  jirtay waxa laga hayaa amaro isburinaya oo ka soo baxaaya Ha’yaddaha Dawladda uu gadhwadeenka ka yahay Muuse Biixi iyadoo jaah-wareer iyo astaan dawlad ka muuqaan Wasiiradda iyo masuuliyiinta xukuumaddiisa lagu tilmaami karaa aanu jirin  oo cadhuuftooda ayay dib u liqeen, waaney ka qanceen dawladda uu hogaamiyo Muuse Biixi shacabka reer Somaliland. Isla markaana Arimaha ugu layaabka badan ayaa waxa ka mid ah in Hay’addaha Dawladda qaarkood ay toodii oo dayacan ay isku qaadaan meelo kale oo ay amaro dul dhigaan waana dhacdooyinka mudooyinkan dambe aad loo maqlo ee aadka uga Dhaka faariyay bulshada. Waxa ay soo saaraan amaro layaableh oo aan ka tarjumayn shaqadii rasmiga ahayd ee loo igmaday ama ay Qaranka u xilsaarnaayeen,waxaaba dhacdaba in Hay’addahaasi ay tii  loo xilsaaray dayacan tahay oo meel kale oo aanay hawli uga oolin ay isku qaadaan, waana dhacdooyinka mudooyinkan dambe ugu badan ee laga arko Wasaaraddaha Qaarkood.

Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland oo ugu horayn Qaranka uga Xil saaran Gaadiidka iyo jidadka oo talaabada koowaad ee laga eegayay inay qaado ay ahayd marka loo kaco dhinaca gaadiidka inay xadido dhaq dhaqaaqa Gaadiidka Dawladda oo wakhti walba lagu arko faras-magaalaha Hargeysa iyo Gobolada dalka ayaa waxa ay dhawaan isku qaaday oo ay soo saartay amar umaddu fahmi wayday oo ay dul dhigtay gaadiidka yar yar ee VITZ loo yaqaan ee dadka gaar ka ahi ku shaqaystaan ee Takaasida ah, waxa ay wasaaraddaasi gaadiidkaasi ku amartay inaanay Gobolada iyo Degmooyinka ukala gooshi Karin, waxa uu Amarkaasi abuuray buuq iyo sawaxan waxaana xabsiyada lagu guray dirawalo ka biyo diiday kuwaasi oo qaarkood u caraabi jireen intay caasimada maalintii ka shaqaysa gobolada dalka ee dhaw dhaw, waxaanu amarkaasi ku noqday caqabad.

Dhinaca kale Wasaaradda Waxbarashada Somaliland oo Qaranka uga xil saaran Tayaynta Dugsiyadda Dawladda oo ugu horayn laga sugayay inay Albabaada u furto dugsiyada Dawladda ee xidhan iyo inay boodhka ka jafto ayaa durba waxay Shalay isku qaaday  oo ay soo saartay amaro aan laga filayn oo u muuqda Gale ka fuul xumo, waxa ay joojisay furashada Dugsiyo Cusub oo gaar loo leeyahay iyo in wax balaadhin ah lagu sameeyo kuwo hore u jiray. Ma Xuma in amarkaasi oo kale la soo saaro laakiin Waxa la iswaydiinayaa miyaanay ka haboonayn inay Wasaaraddu ugu horayn ku talaabsato waxa ay umaddu  ka sugaysay ee uu Waliba wakhtigii Ololaha Madaxweyne Muuse balan Qaaday inuu tayayn doono Waxbarashada Dugsiyadda Dawladdaasi kuwaasi oo aanay Xukuumaddu waxba ka qaban muddaasi ay jirtay, islamarkaana Duruufo adag iyo xaalado laga argagaxayaa ay hoy u noqdeen Dugsiyada Dawladda.

Labadan Amar ee kasoo kala baxay Labadan Wasaaraddood Ayaa Ka Dhigan, Tiisaba Daryeele Ayaa Tukale Ku Dara, Gaadiidkii Dawladda Oo Saqda Dhexe Suuqyada Wareegaya Iyo Dugsiyadii Dawladda Oo Albaabadu U Xidhan Yihiin oo aanay xiitaa soo eegi Karin Masuuliyiinta Wasaaradda oo ay indhaha ka qarsanayaan.

Xafiiska Wararka ee Baraarugnews.ne

MIAL:-Caarshe7@hotmail.com


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here