Saraakiil Booliska Ah Oo fashiliyey Shir-qoolo Maamulka Muuse Biixi La Damacsan Yahay Bulshada Beesha Garxajis Iyo Taageerayaasha Habaryoonis Ee Jabhada Taliye Caare +U-jeeddka Xilka Looga Eryay &Maxaa Loogu Magacaabay Beesha Ciidagale Taliyaha Hawl-galinta Ciidanka Booliska.? Yaa Xilkii ka Qaaday Taliyaha Guud Ee Ciidanka Booliska Somaliland?

0
1106
Saraakiil Booliska Ah Oo fashiliyey Shir-qoolo Maamulka Muuse Biixi La Damacsan Yahay Bulshada Beesha Garxajis Iyo Taageerayaasha Jabhada Taliye Caare +Muxuu Qaban Jiray Taliyihii Xilka Laga Eryay &Maxaa Loogu Magacaabay Beesha Ciidagale Taliyaha Hawl-galinta Ciidanka Booliska.? Yaa Xilkii ka Qaaday Taliyaha Guud Ee Ciidanka Booliska Somaliland?
Saraakiil Booliska Ah Oo fashiliyey Shir-qoolo Maamulka Muuse Biixi La Damacsan Yahay Bulshada Beesha Garxajis Iyo Taageerayaasha Jabhada Taliye Caare +Muxuu Qaban Jiray Taliyihii Xilka Laga Eryay &Maxaa Loogu Magacaabay Beesha Ciidagale Taliyaha Hawl-galinta Ciidanka Booliska.? Yaa Xilkii ka Qaaday Taliyaha Guud Ee Ciidanka Booliska Somaliland?

Hargeysa,(Baraarugnews.net)-Taliyaha ciidanka Booliska Somaliland Cabdillaahi Fadal Iiman, ayaa xilkii ka qaadey taliyihii hawl-galinta ciidanka Booliska Somaliland Cabdiqani Ciise Maygaag (Ganey), isla markaana waxa loo magacaabay oo lagu badelay taliyihii isagu uu hore xilka kala wareegay, lagana qaaday jagadan maanta dib loogu magacaabay hawl-galiyaha ciidanka Booliska Somaliland Maxamuud Ducaale, oo isna  xilka kala wareegaaya Taliyihii isaga  hore xilka kala wareegay Cabdiqani Ciise Ganey.Isla markaana u-jeeddooyin lagu dhibaataynayo bulsho beelo gaar ah ka soo jeeda iyo dad bartilmaameed u ah xukuumadda Muuse Biixi, ayaa ku qarsoon ama ku hoos jira xilka loo dhiibay Taliyaha hawl-galinta Booliska Maxamuud Ducaale.

Saraakiil ka tirsan  Ciidamada Booliska Somaliland, kana gaabsaday in magacooda la sheego sababa la xidhiidha arrimo la xidhiidha nabadgelyo iyo saameyn xagga shaqada ciidanka Booliska, ayaa sheegay in Taliyaha ciidanka Booliska Somaliland Cabdillaahi Fadal Iiman, in jagada iyo xilka uu hayo ee taliyaha guud ee cidanka booliska Somaliland lagu dul-maamulo oo aaney jirin  wax gacanta ugu jira aaney jirin go’aankii Taliye guud oo boolis lahaa ama aanu laheyn awood iyo talo gacantiisa ku maamulo oo Taliye Fadal xil ka qaadi-karo Taliyaasha Booliska aaney jirin ee isaga amar la siiyo, loona dhiibo waraaq magac ku qoran yahay oo had-ba Taliyaha laga eryayo xilka uu ka hayo ciidanka  Booliska Somaliland, isagu eryi-karin ee amar ku siiyaan Wasiiradda iyo xubno ka mid ah qoyska Madaxweyne Muuse Biixi. Isla markaana Saraakiisha Booliska, ayaa cadeeyay in Taliyihii caawa xilka laga qaaday ee hawl-galinta ciidanka booliska Cabdiqani Ciise Ganey aanu isagu xilka ka qaadin ee lagu amray innuu xilka ka eryo, isagoo xilkan loo magacaabey wakhtigii la galayey ee bilaamaysay ololihii xisbiyada maalinta foodka loo dareerayayna muddo 30 cesho ama bil ah ka hadhsanayd ee  Doorashadii Madaxtooyada Somaliland ee kursiga Madaxweynimada ku fuulay Muuse Biixi Cabdi  ee dhacday 13.11.2017-kii ayaa xilka laga qaaday Taliyaha caawa loo magacaabay hawl-galinta booliska Somaliland Maxamuud Ducaale. Warku wuxuu intaa ku darayaa in Wasiirkii hore ee xukuumaddii Axmed Siilaanyo ee Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, oo dhisaayey Madaxweyne Muuse Biixi oo ahaa murashaxii xisbiga Kulmiye, ayaa ku amray Taliyaha Booliska  Cabdilaahi Fadal Iimaan innuu xilka ka qaado Taliyihii hawl-galinta ciidanka booliska Maxamuud Ducaale, una magacaabo jagadiisa Taliyihii caawa xilka laga qaaday Cabdiqani Ciise Ganey, taasina aaney aheyn mid ka timid taliyaha booliska Somaliland.

Xogahaa ayaa xusay in sababtii iyo u-jeedadii loo eryay markii hore Taliyaha caawa la magacaabay Maxamuud Ducaale ee loo keenay Taliyaha caawa la eryay Cabdiqani Ciise Ganey aheyd  markii hore in Murashaxii xisbiga Kulmiya ahna immika madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, Wasiirkii hore ee Madaxtooyada xukuumaddii Axmed Siilaanyo Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Ahaana Guddoomiye ku-xigeenka Kowaad ee kulmiye u adeegsadeen si uu u xidh-xidho dadka ama cid kasta oo madax-dhaqmeed ama bulshada ka soo jeeda Beelaha Habar-xabusha (Habarjeclo), ee raacda  murashaxii dhacay doorashadii madaxtooyada ee xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro, gaar ahaan hogaamiya  Waddani Xirsi Cali X. Xasan oo isna ka soo jeeda beelaha Habarjeclo ayey markii hore xisbiga Kulmiye u keensadeen Taliyihii la eryay Cabdiqani Ciise ganey, kuna amreen Taliye Cabdillaahi Fadal Iimaan innuu xilka ka qaado Taliyaha caawa la soo celiyey Maxamuud Ducaale oo wakhtigaa laga caydhiyey hawl-galinta ciidamada booliska Somaliland Maxamuud Ducaale, loona arkayey nin aan is hor-taagi Karin goobaha cod-bixinta uu ku awood badan yahay murashaxii xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro, madaama uu ka soo jeedo beesha Garxajis.Balse Saraakiisha ka tirsan Booliska ayaa sheegay in taliyihii xilka laga qaaday ee hawl-galinta booliska Cabdiqani Ciise Ganey oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Beesha Habarjeclo sababtii loo keenay markii horeba aheyd arrimihii doorashada ee murashaxii Kulmiye ahna madaxweynaha iyo cabudhinta iyo wiiqida codka xisbiga Waddani loogu magacaabay jagada hawl-galinta booliska Somaliland, madaama shacabka beesha Garxajis gude iyo dibad-ba ay fal iyo waali aaney ku raaceyn  Murashaxii xisbiga Kulmiye Muuse Biixi, intooda badana la socdaan ama taageersanaayeen  Murashaxii dhacay ee Waddani Cabdiraxmaan cirro, iyo beesha ciidagalena  oo qayb ka mid ah ay taageersanaayeen murashaxii isaguna dhacay ee  xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe,iyagoo xisbiga Kulmiye xilligaa dantoodii ka dhex-arki waayey Taliyihii xiligii Ololaha doorashadii Madaxtooyada xilka laga qaaday ee caawa dib loogu soo celiyey  xilkii hawl-galinta ciidanka booliska Maxamuud Ducaale.

Sidoo kale, saraakiisha Booliska ayaa u sheegay wakaalada Wararka ee Baraarugnews.net, inay ka dambeeyeen magacaabista xilka caawa loo magacaabay Taliyaha hawl-galinta ciidanka Booliska Somaliland Maxamuud Ducaale oo dhalasho ahaan ama qabiil ahaan ka soo jeeda Beesha Garxajis, gaar ahaan Ciidagale, Agaasimaha Madaxtooyada Maxamed Cali Bile iyo xoghayaha gaarka ah Madaxweyne Muuse Biixi Mubaarik Ismaaciil Taani, labadoodabaa adeer ayuu u yahay Muuse Biixi waana qoyska beeshiisa Madaxweyne Muuse Biixi ee Sacad Muuse, ayaa la sheegay inay ku amreen Taliyaha booliska Cabdillaahi Fadal Iimaan innuu hawl-galinta booliska u magacaabo Maxamuud Ducaale, iyagoo xogahaa cadeeyeen inay jirto waraaq  qoraal amar ah ku qoran yahay ugu geeyay xafiiskiisa taliye Fadal una sheegeen inuu Muuse Biixi ku soo amray waraaqdan innuu ku magacaabo Taliyaha hawl-galinta ciidanka Booliska Somaliland Maxamuud Ducaale, sidaana uu ku magacaabay Taliyaha booliska Fadal ee darajada uu xidhan yahay iyo biladaha kaga dhagsan garbahiisa macnaha ay u taagan yihiin iyo xilka waajibaadka ay awood ahaan astaantan ka turjumaysa iyo shuruucda ay leedahay  aqoon iyo garasho midna aanu garaneyn ama fahansanayn-ba xilka iyo darajadan uu xidhan yahay masabka ama mustawaha ay taagan tahay isagoo macno tiray quruxdii iyo haybadii ay laheyd  biladihii qurucda  ciidanka qaranka iyo dawladnimada lagu yiqiinay aanu qiimaheeda garanayn, iyadoo  ciyaal Muuse Biixi adeer u yahay ayaa maamula Taliyaha Cabdillaahi Fadal Iimaan.Balse saraakiisha Booliska ka tirsan ayaa sheegay in danaha iyo u-jeeddada xilka loogu magacaabay ee dib loogu soo celiyey Taliyaha hawl-galinta ciidanka Booliska Somaliland Maxamuud Ducaale ay tahay, siddii loogu adeegsan lahaa shacabka beelaha Garxajis ee ku kacsan xukuumadda uu hogaamiyo Muuse Biixi Cabdi, iyo xisbiyga Waddani, isla markaana uu soo xidh-xidho dadka ka soo jeeda beesha Garxajis ee taageersan Jabhada uu hogaamiyo Taliye Caare ee ku dhaqan gudaha magaalada Hargeysa, Burco iyo Gobolka Sanaag oo taageero weyn ku leedahay Jabhada uu hogaamiyo Taliye Caare oo ka soo horjeeda  maamulkiisa Madaxweyne Muuse Biixi oo xoog ku leh deegaanada Gobolada Bariga Somaliland, Togdheer, Sanaag, Saraar Iyo Sool, oo dhawr jeer weerar ku soo qaaday, Wasiiro iyo masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Muuse Biixi Cabdi oo dirqi kaga badbaaday Jabhada fadhigeedu yahay deegaanada maamul-goboleedka soomaaliya ee Puntland.

Xafiiska Wararka ee Baraarugnews.ne

MIAL:-Caarshe7@hotmail.com


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here