Ottowa,(Baraarugnews.net)- Saraakiisha Booliiska magaalada Ottowa ee dalka Canada ayaa faah faahin ka bixiyay weerar lagu dilay muwaadin dhalasho ahaan ka soo jeeda bulshada Soomaalida ah, halkan lagu dhaawacay Haweeney Soomaali ah oo ay wada socdeen.
Saraakiisha Booliiska ayaa sheegay Axadii toogasho lagu dilay magaalada Ottowa C/fitaax Cusmaan, weerarka kale ayaa lagu dhawaacay sidoo kale haweeney hada lagu dabiibayo Isbitaal ku yaala Ottowa.
C/fitaax ayaa ka mid ahaa dadka deegaanka Bariga magaalada Ottowa sida ay sheegeen dadka deegaanka uu ku soo koray marxuumka.
Haweeneyda la toogtay ayaa iyana rasaasta uga dhacday Miskaha,waxaana la geeyay Isbitaalka weyn ee Ottowa halkaas oo la filayo in xabbadda looga saaro.