Sarkaal Kale Oo Ka Goostay Ciidanka Militariga Somaliland &Saldhiga Jabhadda Taliye Caare ee maamul-goboleedka Puntland

0
1542

Ceerigaabo, (Baraarugnews.net)- Sarkaal kale oo ka tirsan ciidanka militariga ee jiida hore ee Gobolka Sool oo lagu magacaabo Gamaal Baaxad ayaa isaguna ka goostay ciidamada qaranka Somaliland,isla markaana Sarkaalkan ayaa la sheegay in askar dhawr ah iyo iyo gaadiid tikniko ah ula baxsadeen, kuna biireen jabhada uu kaga dhawaaqay taliyihii hore u goostay Caare oo saldhig laga siiyey jabhada uu hogaaminayo Taliye Caare, kuna taala meel duleedka magaalada Qardho ee deegaanka Maamul-goboleedka soomaaliya ee Puntland.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo u dhuun daloola arrimaha ciidanka qaranka Somaliland, ayaa sheegay in sarkaalkan ka tirsan ciidanka militariga Somaliland ee maanta ka goostay ciidanka uu ku biiray jabhada uu hogaamiyo taliyihii hore ee isna ka goostay ciidanka qaran Caare, isl markaana  Taliye Caare oo la hadlay warbaahinta Gobolka Sanaag, isagoo ku sugan Qardho, ayaa sheegay in jabhada la yidhaahdo dib u xoraynta Somaliland ay keentay cadaalad-daro ka jirta dhinaca ciidanka qaranka iyo xukuumadda Muuse Biixi soo dhisay oo gabi-ahaan u badan beeshiisa.

Kala soco halkan xogodheeraad ah oo ku saabsan arrimaha ka dhex-aloosan Gobolada bariga somaliland


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here