Sarkaal Kale Oo Ka Tirsan Ciidanka Qaranka Somaliland Oo Jabhad Kale Oo  Cusub Kaga Dhawaaqay Gobolka Togdheer &Beesha Uu Ka Soo Jeedo Sarkaalka Ka Goostay Ciidanka Qaranka Iyo Goobta Lagaga Dhawaaq 

0
4705
Sarkaal Kale Oo Ka Tirsan Ciidanka Qaranka Somaliland Oo Jabhad Kale Oo  Cusub Kaga Dhawaaqay Gobolka Togdheer &Beesha Uu Ka Soo Jeedo Sarkaalka Ka Goostay Ciidanka Qaranka Iyo Goobta Lagaga Dhawaaq 
Sarkaal Kale Oo Ka Tirsan Ciidanka Qaranka Somaliland Oo Jabhad Kale Oo  Cusub Kaga Dhawaaqay Gobolka Togdheer &Beesha Uu Ka Soo Jeedo Sarkaalka Ka Goostay Ciidanka Qaranka Iyo Goobta Lagaga Dhawaaq 

Burco,(Baraaugnews.net)-Sarkaal kale oo ka tirsan ciidanka militariga Somaliland Gaashanle Faarax Jafeen, ayaa jabhad kale oo ka soo horjeeda xukuumadda Muuse Biixi Cabdi kaga dhawaaqay deegaanada hawdka ee Gobolka Togdheer, isla markaana Sarkaalka jabhada kaga dhawaaqay Gobolka Togdheer, ayaa la sheegay in Taliye Nuux Taani ka caydhiyey ciidanka militariga Somaliland.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in Hagoogane oo dhanka shishe ka xiga Buuhoodle ayuu ka sameeyay jabhad uu kaga dhawaaqay Gaashanle Faarax Jafeen Haggoogane ee deegaanka Buuhoodle uu ku urursaday ciidan tirro badan oo gadhaaya ilaa lix boqol oo hub iyo tikniko ku hubaysan, isla markaana waxa la sheegay in Taliye Nuux Taani uu kula kacay cadaalad-daro Gashaanlaha isagoo ka tirsan ciidanka jiida hore ee Tukaraq ku sugnaa.

Qaar ka tirsan saraakiisha ciidanka militariga Gobolada bariga Somaliland ayaa us heegay  shabakada wararka ee Baraarugnews xafiiskeeda Gobolada bariga Somaliland in Gashaanle Faarax Jafeen bilihii u dambeeyay uu ku sugnaa magaalada Hargeysa, Balse Gashaanlaha isna jabhada sameeyay Faarax ayaa cabashada iyo cadaalad-darada dulmiga ah ee uu kula kacay Nuux Taani u soo gudbiyey Wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed, si uu arrinta dulmiga iyo xaquuqdiisa meel lagaga dhacay innuu wax kala qabto aa Madaxweyne Muuse Biixi u gudbiyo arrimaha haysta ee dhibaatada uu kula kacay Nuux Taani iyo cadaalad darada dulmiga ah ee ku doodayey Gashaanle Faarax innuu kula kacay taliyaha ciidanka qaranka Nuux Taani.

Hase yeeshee,Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Muuse Biixi cabdi Maxamed Kaahin, ayaa la sheegay innuu balamo been iyo lugooyo aad u xun oo jes-jees ah kula kacay Gashaanle Faarax, isla markaana si ka baxsan bini’aadamnimada kula kacay gashaanlaha jabhada kaga dhawaaqay   Hagoogane oo dhaca dhanka deegaanka Buuhoodle.Balse Gashaanle Faarax Jafeen ayaa ka soo jeeda beesha Baracabile ee uu ka soo jeedo Guddoomiyaha aqalka Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan Gaal).

 


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here