SAWIRO-Hogaan Cusub Oo Ay Doorteen Ururka Naafada Maqalka Ee Somaliland Oo Maanta Shiweyne   Qabsaday  Iyo Xaflad La isku Arkay Oo Hargaysa Loogu Qabtay.

0
162

 

 

Hargaysa(Baraarugnews) Magaalada Hargaysa Waxaa manta si Rasmi ah uga Qabsoontay Munaasibad Balaadhan oo Si Heerkeedu Sareeyo loo Soo Agaasimay Isla Markaana Ay Xilalka Kula kala wareegayeen Masuuliyiin Cusub oo Loo doortay Hogaanka Ururka Ay ku midaysan Yihiin Dhegoolayaasha Somaliland.

Xaflada oo Ka Qabsoontay xafiiska Ama  Hoolka Hayada Shaqaalaha Dawlada ayaa waxaa kasoo Qayb galay Gudoonkii Hore ee Ururka,Gudoonka Cusub,Hawlwadeenada Ururka Naafada Maqalka ee Somaliland iyo Marti Sharaf kale oo lagu soo Marti Qaaday.

Ururkan Waxaa Taakuleeya Isla Markaana Ay Wada Shaqayn Balaadhan Leeyihiin Wasaarado ka Tirsan Xukuumada Somaliland oo ay Ugu Horeeyaan Wasaarada Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare,Wasaarada SCiyaaraha Iyo Wasaarada Arimaha Dibada Gaar ahaana Waaxda  Wakaalada Qurbajooga Somaliland.

Shirweynahan Oo Ay Kasoo Qayb Galeen Ergooyin Kala Duwan oo iskaga kala Yimi Dhamaanba gobolada Iyo Degmooyinka Somaliland ayaa Cod Gacan tag ah waxaa Gudoomiye Cusub ee Ururkaasi Hogaamin Doona Loogu Doortay Maxamed Cabdiraxmaan Axmed uu Noqdo Gudoomiyaha Ururka halka sidoo kalena Gudoomiye xigeen loo doortay Cabdirisaaq cabdilaahi Axmed.

Gudoomiyaha Cusub ee Loo Doortay ururka Soda Ayaa u mahadceliyay Dhamaanba Ergooyinka Shirweynaha ee Ururkaasi isla markaana Wuxuu soo dhoweeyey Doorashada Gacan Taaga Ah ee Lagu Caleemo saaray inuu Halkaasi ka sii Wado Horumarinta ururka isla markaana wuxuu intaasi ku Daray inuu ka shaqayn Doono isku Soo Dhoweynta Xubnaha kala Duwan ee Ururka SODA,Wuxuu Dhanka kale Gudoomiye Maxamuud Iftiimiyay Sida ay Dadka Maqalka Naafada ka ahi u jecel yihiin Horumarka  isagoo Fariin u Diray Xukuumada Somaliland iyo Shacabka Dalkaba kana Codsaday Sidii ay Dadka Naafada Maqalka ka Ah ula Shaqayn Lahaayeen isla markaana Xaqooda Qaranku Siiyay Ee Dhinaca Fursadaha meel loo Saari lahaa Maadaama ay Bulshada Kaalin Muhiim ah ugu Jiraan

 

 

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA WARKAASI OO DHAMAYSTIRAN

 


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here