Hargeysa(Baraarugnews.net)-Suxufiyada Bushaaro Baanday oo maanta ka dhoofaysay madaarka magaalada Hargaysa, ayaa tacadiyo iyo dhibaato loogu gaystay madaarka magaalada Hargeysa oo ay ka dhoofaysay, isla ,markaana wariye Bushaaro ayaa mudooyinkii u danbeeyayna hargeisa ku sugnayd markii madaarka ay ka dhoofaysay ii sheegtay in ciidamo dhar cad ahi ka soo dejiyeen diyaarada kedib muddo hal saac iyo badh ah ay ku hayay qol madaarka ka tirsan iyadoo agabkii ay sidatayna la wareegay.
Waxayna muddo kedib markii ay wada tashi la sameeyeen dowladda u ogolaadeen in ay dhoofto sida ay ii sheegtay bushaaro oo khadka telefoonka aan kula xidhiidhay iyadoo madaarka joogta ayaa ii sheegtay in telefoonkeedii la siiyay sidoo kalena loo ogolaaday in ay dhoofto saacad iyo badh kedib.
xigasho wariye Cali Mahdi