Shiidaal Wasakhaysan Oo Khatar Ku Ah Gaadiidka Iskaga Kala Goosha Somaliland, Itoobiya, Jabuuti Iyo Koonfurta Soomaaliya Oo Lagu Shubay Haamaha Kaydka Shiidaalka  Magaalada Berbera &Madaxweyne Muuse Biixi Oo Ka Qaaday Haamaha Kaydka Shidaalka  Berbera, kuna wareejiyey Ganacsadayaal Beeshiisa Ah Ee Shirkadda Red Sea

0
844

Hargeysa,(Baraarugnews.net)- Shidaal Wasakheysan  oo khatar iyo dhaamayj weyn ku keeni-kara gaadiidka kala duwan ee ku shaqeeya shiidaalka ayaa Ku Shubay Haamaha Kaydka Shidaalka magaalada  Berbera, isla markaana shidaalkan ayaa la sheegay inay leeyihiin shirkadda Red Sea iyo ganacsadaha kaalmaha shiidaalka ee Indho-birta ee ku taala magaalada Hargeysa, iyadoo kaalintaa oo ku taala xaafada Jigjiga-yar ay dawladda Muuse Biixi ka qaadato shiidaalka gaadiidka dawlada oo uu leeyahay nin muuse Biixi ilmaadeer yihiin oo Beeshiisa ah.

Keydka Haamaha shidaalka ee magaalada Berbera  ayaan maanta wax shidaal ah ka soo bixin kadib markii shidaalkii halkaasi lagu shubay uu noqday mid wasakhaysan oo waxyeelo u geysanaya gaadiidka lagu shubo, Balse Booyadaha shidaalka ka soo qaada keydka hamaha shidaalka ee magaalada Berbera ayaa dib loo celiyey kuwoodii la soo dhamaamiyey maanta.

Saddexdii markab ee ugu danbeeyey ee ku soo xidha haamaha shidaalka ee magaalada Berbera markii la baadhay waxa soo baxday in shidaalka aykeeneen uu yahay mid xabag leh (Wasakheysan) – sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan qeybta sheybaadhka ee keydka haamaha shidaal Berbera.

Keydka shidaalka ee magaalada Berbera waxa dhex yaala LAB ama qalab lagu eego tayada shidaalka dalka soo gelaya bal se shirkaddaha shidaalka soo dejiya oo iyagu gacanta ku haya qalabkaasi ayaan muhiimad siinin natiijada ka soo baxda shidaalka ay dalka keenaan.

Shirkadda Red Sea oo ka mid ah shirkaddaha shidaalka ka keena oo ka soo waarida magaalada Dubay ayaa ah shirkadda hadda keentay maraakiibta, sidda shidaalka wasakheysan oo keeni kara inay duqeeyaan gaadiidka oo halis ku ah Hijiinada baabuurta, Isla markaana Masuuliyiinta kaydka Haamaha shidaalka Magaalada Berbera oo Wakaalada Baraarugnews.net inay wax ka waydiiso masuuliyiinta haamaha shiidaalka iyo xukuumadda Muuse Biixi innaanu wax ka waydiino shiidaalkan wasaqaysan ee khatarta ku ah gaadiidka shacabka u adeega iyo noocada kala duwan ee baabuurta isaga kala goosha gudaha Somaliland iyo koonfurta Soomaaliya iyo ismaamulka soomalaida ee Itoobiya iyo Somaliland iskaga kala goosha, ilaa dalka Jabuuti, taasoo aan la isku halayn Karin shiidaalka ka soo dega dekeda Berbera.

Sidoo kale, shirkadda xildhibaanada Aqalka Sharci-dajinta ee Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa xeer sharci hore ugu meel mariyey xilligii xukuumaddii Madaxweynihii xilka ka degay Ee Axmed Siilaanyo innay dalka keeni karto oo kaliya shiidaal, hab-sharciga iyo nidaambka dalka u yaala Somaliland oo haamaha kaydka shiidaalka Berbera ku shubikara oo kaliya shirkadda HAS PATROLEAM oo iyadu gacanta ku haysay, laguna wareejiyey haamaha shiidaalka Berbera, isla markaana Madaxweyne Muuse Biixi ayaa la sheegay innuu ka dambeeyay in shirkadda Red Sea oo ay leeyihiin ganacsato shuraako ah oo ka soo jeeda beesha Ciise Muuse iyo Sacad Muuse qaab qarsoodiya oo hoose ugu gacan galiyey maamulka haamaha kaydka shiidaalka ee magaalada Berbera.

Si-kastaba ahaatee, haddii laga qaado shirkadda Has iyo awoodii maamulida shiidaalka la keenayo ee Somaliland oo sharci u haysata waxay noqonaysaa mid muujinaysa sawir ah in Dekeda iyo haamaha shiidaalka Kaydka Berbera ay leeyihii qabiil gaar ah gaar ahaan beesha Habar’awal, madaama ganacsadaha leh shirkadda Has badrooliyam oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Gobolka Sool ee Somaliland tahay mid dantii guud ee dawladdii soomaaliya ee maxamed Siyaad Bare ka tagtay oo ahaa hantidii ummadda ee qaran inay cid gaar ah yeelato, markaa dalka Somaliland qabiilo haystaan hantiddii ummadda , waxaana meesha ka baxaaya in beesha Dhulbahante u aqoon san yahay Madaxweyne Muuse Biixi niman aan dalka waxba ku lahayn Somaliland,isla markaana ganacsadaha leh shirkadda Has oo ah shirkad caalamiya xarumo badana ku leh waddamo ka mid ah qaarada afrika, Sida Tansaaniya, Kiiniya iyo Suudaan iyo meelo kale oo badan, in maanta Madaxweyne Muuse Biixi rag beeshiisa ka soo jeedo qaab qabiil ugu wareejiyo haamihii kaydka shiidaalka ee Berbera waxay ceeb iyo laf-jab ku tahay qaran-nimada iyo dawlad-nimada Somaliland.

Geesta kale, masuuliyiinta xarunta ay ku leedahay shirkadda Has Badrooliyam ee dalka Somaliland oo aanu isku daynay innaanu arrintan wax ka waydiino, nasiib-daro noomay suurta galin oo masuuliyiinta shirkada Has may joogin xaruntooda, telifoonadooda gacanta iyagana lama helikarayn, markaa noomay suurta galin innaanu helno si aanu wax uga waydiino dagaalka ganacsi ee beelahaysan ee xukuumadda Muuse Biixi ku soo qaaday shirkadda Has.

EMial:-Caarshe7@hotmail.com


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here