Shirkadda Telesom oo Abaalmarino Gudoonsiiyey Qaar ka mida Macaamiisheedda &Khudbadihii Laga Jeediyey

0
451

Hargeysa,(Baraarugnews.com)- Shirkadda Telesom ayaa abaalmarino guddoonsiiyey macaamiil ku guuleysatay abaalmarinta la bixiyo bilkasta , abaalmarinaha ayaa isugu jirtay moobaylo casri ah, tablets, Mifi-yo iyo abaalmarino kale oo qaaliya. Macaamiisha ku guuleystay abaal-marinahan ayaa ah macmiisha isticmaasha adeegyadda Internet-ka, ee 4G, 3G iyo 2G iyo sidoo kale macaamiisha isticmaasha adeegga aqoon-maal. Shirkadda Telesom ayaa bilkasta abaal-marino siisa macamiisheeda. Maamulaha Waaxda xidhiidhka dadweynaha ee shirkadda Telesom Maxamed Cabdi Darbo iyo maamulaha Waaxda Suuq-geynta Cabdiraxmaan Ismaaciil Aadan (Aar) ayaa sharaxaad ka bixiyey noocyada abaal-marinta la siiyey macmiisha guuleysatay iyo guud ahaanba arimaha ay shirkadda macmiisheeda ku abaal-mariso. Masuuliyiinta ayaan hambalyo u diray macaamiisha guuleysatay waxaanay macaamiisha kale ee aan wali ku guuleysan u rajeeyeen inay iyaguna ku guuleysan doonaan.
Halkan ka daawo muuqaalka

 

 


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here