Shirweyne Wasaaradda Warfaafintu u qabatay Warbaahinta Somaliland &Maxaa Lagaga Hadlay?

0
45

Hargeysa(Baraarugnews.net)- Shirweyne ay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelintu u qabatay Warbaahinta Somaliland, ayaa maanta ka furmay Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa oo uu illaa berri ka socon doono.
Shirkaas waxaa ka qaybgalay Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Xisbiyada Siyaasadda, Hoggaanka Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA iyo Ururrada Saxaafadda ee bahwadaagta la ah Solja, Weriyeyaasha iyo Masuuliyiinta Hay’adaha Warbaahinta ee Somaliland ka jira qaarkood, Masuuliyiin iyo marti-sharaf kale.
Shirweynahan oo ah kii ugu horeeyey ee noociisa ah ee ay wada yeeshaan qaybaha Warbaahinta Somaliland, Xukuumadda iyo daneeyayaasha kale ee Saxaafaddu, ayaa waxa furitaankiisii si qoto dheer loogu lafa-guray caqabadaha ku gedaaman Warfidiyeenka, dhibaatooyinka ay kala kulmaan Shaqada, sababaha keena iyo gol-dalloolooyinka mihnadleyaasha iyo qalabka Warbaahinta.
Warfaafinta, Wacyi-gelinta iyo Dhaqanka Cabdiraxmaan Guri-barwaaqo oo Shirka furay ayaa sheegay inay Xukuumadda ka go’antahay la shaqaynta, horumarinta iyo kor u qaadida Warbaahinta kala duwan, waxaanu intaa raaciyey inay dedaal ugu jiraan sidii loo yarayn lahaa xadhiga Suxufiyiinta iyo xad-gudubyada kale ee loo geysto, taas bedelkeedana looga baahan yahay Wariyeyaasha iyo qalabka Warbaahintuba inay ilaaliyaan Anshaxa iyo Masuuliyadda ku waajibtay.
Maxamed Kaahin Axmed Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Hinda Xirsi Gaani Wasiirka Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska, ayaa dhankooda sheegay inay Warbaahintu ku kacdo khaladdaad badan oo sabab u noqda dhibaatooyinka loo geysto, waxaanay soo jeediyeen in la abuuro jawi bad-qaba oo lagaga baaqsan karo cabashooyinka jira.
Wasiirka Wasaarada Qorsheynta Qaranka Cawaale Ibraahim Shirwac iyo Wasiirka Boosaha, Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada Qaranka, ayaa iyaguna dhankooda tilmaamay inay Warbaahintu kaalin muhiima ku leedahay horumarka Dalka iyo dheeli-tirka Dawladnimada.
Waxa ay sheegeen in qaybo kamida qalabka Warbaahintu hoos u sii dhacayaan, loona baahan yahay in la tayeeyo, si aan mustawahoodu u lumin. “Shaqada Saxaafaddu 2030-ka waxay kamid noqonaysaa shaqooyinka saaxada ka baxaya, markaa waxa loo baahan yahay in laga fekero sidii xal loo ilaalin lahaa” sidaas waxa sheegay Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Maxamuud Sheekh Cabdillaahi Cige .
Guddoomiyaha Ururka Solja Maxamuud Cabdi Jaamac iyo Agaasimaha guud ee Ururkaas Yaxye Maxamed Cabdi oo shirka ka hadlay ayaa ku dheeraaday horumarrada ay gaadhay Saxaafadda Somaliland sanadihii u dambeeyey iyo caqabadaha wali jira ee u baahan inay xal ka wada gaadhaan dawladda iyo Saxaafadduba.
Mid kamida Caqabadaha jira oo doodadda shirka ku soo noqnoqday ayaa ah in sifo sharci-darro ah lagu xidho Wariyeyaasha, waxa kale oo ay xusseen inay jiraan fursado badan oo ay haysato Warbaahintu.
Caraale Maxamed Jaamac oo ku hadlayey Afka Ururka Warbaahinta Online-ka Somaliland oo isna shirka ka hadlay ayaa sheegay in doorka Warbaahinta casriga ah ee ku shaqaysa Internet-ku ay tahay mid xaasaasi ah oo faa’ido iyo halisba huwan, waxaanu tilmaamay inay juhdi badan ku bixiyeen sidii ay dhinaca togan ugu shaqayn lahayd Warbaahintaasi, laakiinse Xukuumadda iyo Hay’addaha ka shaqeeya horumarinta Saxaafadduba ka gaabiyeen ka shaqaynta bad-qabka Warbaahintaas.
“Taariikh badan ayey soo martay Warbaahinta Mareegaha Internet-ku, laakiinse waxa hubaal ah inay tahay iminka Warbaahinta ugu awooda badan ee caalamka ka jirta ee Waraabisa baraha Bulshada oo dhan” ayuu yidhi Mr. Caraale Maxamuud Jaamac Guddoomiye ku-xigeenka Ururka SOMA.
Waxa kale oo shirkan hadallo ka jeediyey khubaro kala duwan oo saxaafaddeed iyo xubno ku hadlayey afka Ururrada la shaqeeya Warbaahinta, kuwaasoo siyaabo kala duwan uga hadlay heerka ay Warbaahinta Somaliland xilligan marayso iyo toobiyaha ay ku socoto.
Shirkan oo la soo gabagabeyn doono Maalinta Axadda ayaa waxa gunnaanadkiisa laga soo saari doonaa War-murtiyeed ku saabsan waxyaabaha lagu gorfeeyo muddada uu socdo ee labada maalmooda.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka;


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here