“Sidii Dooni Maal, Dad Iyo, Demesh La Soo Saaray, Dalaq Ku Siiyeen Bad-weyn, Daafa Dhabanaysa. Darawal keedii …:”

0
91

“Sidii Dooni Maal, Dad Iyo, Demesh La Soo Saaray, Dalaq Ku Siiyeen Bad-weyn, Daafa Dhabanaysa. Darawal keedii …:”“Sidii Dooni Maal, Dad Iyo, Demesh La Soo Saaray, Dalaq Ku Siiyeen Bad-weyn, Daafa Dhabanaysa. Darawal keedii …:”

Hargeysa,(Baraarugnews.net)- Abwaan Haybe Axmed Yuusuf, ayaa tiriyey Tixdan Maanta, isla markaana Tixdan Gabay ee cusub ee Abwaan Haybe ayaa u dhignayd sidan:-.

“Sidii dooni maal iyo dad iyo,

Demesh lasoo saaray

Ay dubay kabuux sheen

Markaa, Danabadii joogey

Ay dalaq ku siiyeen badweyn,

Daafa dhabanaysa

Oo ay dabayluhu jebsheen,

Dakhalka miisaama

Oo Dayradhaaf iyo Shimaal,

Dali Garaa Cayso

Oo daadku laga moosayoo,

Diiradu halawday

Oo daaqad yari muuqatoo,

Dulundul Caynaysa

Oo Darawal keedii mar hore,

Damiyey guuxeeda

Oo dagagar xeer iyo ku jira,

Weli dedaal xoogan

Oo maalki laga daadiyoo,

Debec lasii moodey

Oon daabad kale haysanoo,

Deyr ale ubaahan

Dawadeedu sow eebeheen,

Uga ducee maaha

DIBU EEG AYAAMAHA  GABAY. HAL- ABUUR

SAMA – DOON – H.”

Abwaan Haybe Axmed Yuusuf, ayaa tiriyey


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here