Hargeysa, (Baraarugnews.net)- Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi Iyo Wefti Uu Hogaaminayo Ayaa La Filayaa Inay Maalmaha Soo Socda Socdaalo Ku Tagaan Degaanada Bariga Somaliland Gaar Ahaan Gobolada Sool Iyo Sanaag Oo Wakhtigan Ay Ka Jiraan Colaado Kala Duwani
Waxaana La Filayaa In Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Uu Safarkiisa Ku Tegi Doono Isla Markaana Uu Ku Horayn Doono Degaanka Degmada Ceelafweyn Ee Gobolka Sanaag Oo Ay Ka Taagantahay Colaado Udhexeeya Laba Belood Oo Walaalo Ah.
Waxaana Uu Madaxweynuhu Sidoo Kale Soo Mari Doonaa Degaanka Tukaraq Ee Gobolka Sool Oo Ay Isku Horfadhiyaan Ciidamada Somaliland Iyo Putland, isla markaana maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland ayaa sheegay inay dagaal ku soo qaadayaan Muuse Biixi haddii uu safar ku yimaado Tukaraq oo iska hor taagayaan booqashada la filayo innuu Muuse Biixi soo eego ciidamada Somaliland eek u sugan deegaanada dagaalku ka dhacay ee bariga Sool ee Tukaraq.
Safarkan La Sadaalinayo In Uu Madaxweyne Biixi Ku Tago Degaanadan Ayaa Noqonaya Kii Ugu Horeeyay Ee Uu Ugu Soo Baxo Gobolada Bariga Somaliland Tan Iyo Wakhtigii Uu Talada Dalka Qabtay
Guddiyo Kala Duwan Usaaray Oo Uu Madaxweynaha Somaliland Usaaray Daminta Iyo Soo Afjarista Colaadaha Degaanka Ceelafweyn Ayaan ilaa Hada Soo Gaadhin Degaankaasi Oo Habeenadii Udanbaysayna Ay Dib Uga Soo Cusboonaadeen iska Hor imaado Dhex Mara Ciidamada RRU da Iyo Shacabka Degaanada Ceel Midgaan Iyo Fadhigaab Oo Hoos Yimaada Degmada Ceelafweyn
Socdaalka Iyo imaanshiiyaha La Sadaalinayo Inuu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Iyo Weftigiisu Ay Ku Yimadaan Degmada Ceelafweyn Ayaa Kusoo Beegmaya Xili Isbedelo Kala Duwan Lagu Sameeyay Isuduweyaashii Iyo Masuuliyiintii Xilalka Ka Hayay Gobolka Sanaag.
Isla Markaana Meesha Laga Saaray Saamigii Isuduweyaasha Heer Gobol iyo Masuuliyiintii Laamaha Dawlada Ee Hay,adaha Kala Duwan Ee Gobolka Iyo Sidoo Kale Qaar Ka Mid Ah Taliyeyaashii Ciidamada Gobolka Ee Kasoo Jeeday Degaanada Kala Duwan Ee Galbeedka Gobolka Sanaag
Iyadoona Labadii Bilood Ee Udanbeeyay Xilalkii Ay Hayeen Laga Qaaday
Isuduwihii Wasaarada Caafimaadka Ee G.Sanaag Dr Axmed Carey
Isuduwihii Wasaarada Kaluumaysiga Ee G.Sanaag Siciid X Warsame Cumar
Isuduwihii Wasaarada Biyaha Ee G.Sanaag
Taliyihii Ciidamada Milatariga Ee G.Sanaag Gashaanle Sare Maxamed Cabdi Cabdule
Taliyihii Ciidamada ilaalada Xeebaha Ee Gobolka Sanaag Gashaanle Dhexe Saalax
Halka Masuliyiin Kalena Laga Bedelay Gobolka Kuwona Hoos Looga Dhigay Xilalkii Ay Hayeen
Dareeno Kala Duwan Oo Ka Dhashay Is Bedeladaa Aan Miisaanayn Ee Xilalka Lagaga Qaaday Masuuliyiintaa Kasoo Jeeda Galbeedka Gobolka Sanaag Ayaa Si Weyn Guuxooda Loo Dareemaya
Waxaana Shirar Hosaado Kala Duwan Maalmihii Udanbaysay Ku Jiray Siyaasiyiinta Waxgaradka Iyo Waayeelka Degaanadan Oo Si Weyn Uga Xumaaday Arimahan
Maxamed Cali Bakeeri
Erigavo Office