“Somaliland, waa walaalahayo Dadka Soomaaliya. Siyaasadu Maaha in Labada Waddan Oo Jaar Ah, Is dilaaya aad tidhaahdo..”

0
244
“Haddaanu Nahay Somaliland, waa walaalahayo Dadka Soomaaliya.
“Haddaanu Nahay Somaliland, waa walaalahayo Dadka Soomaaliya.

Hargeysa,(Baraarugnews.net)-Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Kiiniya Baashe Cawil, ayaa sheegay in walaalo iyo wanaag ka dhaxeeyo dawladda faderaalka ah ee Soomaaliya, isla markaana wuxuu ku tilmaamay ceeb iyo wax laga xishoodo in siyaasad ay ka daydo dawladda Muuse Biixi khilaafka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kiiniya eek u saabsan badda ay ku muran san yihiin labada dale e Kiiniya iyo Somalia.“Markay wadamo jaar ah is dilayaan.Siyaasadu Maaha in wadamada jaarka ah inaad gaas ku sii shubto, oo aad tidhaahdo ha is dileen oo aniga fursad ayaa iiga banaan, halkaas ayaa ka gelayaa.Soomaaliya, inagu walaalo ayeynu nahay. Sida Itoobiya walaalo u nahay iyo Jabuuti ayey iyaguna walaalaheen oo kale yihiin.Waa dad wanaaga iyo horumar iyo nabadgelyo inayn helaan ayaanu la jecel nahay.In aynu wax xumaan ah aynu u gaysano maaha.Kiiniya waa in aynu xidhiidh dhaw la samaysano weeye, laakiin Soomaaliya iyo Kiiniyana waa laba dal oo jaar ah.Siyaasadda ay la leedahay Somaliland dalka Kiiniya kuma xidhna badda soomaaliya.Xidhiidhka Somaliland la leedahay Kiiniya maaha mid quseeya badda soomaaliya oo lagu xumaynayo Soomaaliya,”Sidaa ayuu yidhi Baashe Cawil oo ugu  waramayey magaalada Hargeysa Telifeeshanka Saab.


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here