“Somaliland, waxay doonaysaa Federaal lamid ah midka UK ay uga mid yihiin Scotland, Wales iyo IRLAND. laakiin…” Xogta Cusub iyo Qodobada Guddiyada

0
629

“Somaliland, waxay doonaysaa Federaal lamid ah midka UK ay uga mid yihiin Scotland, Wales iyo IRLAND. laakiin…” Xogta Cusub iyo Qodobada Guddiyada Somaliland iyo Soomaaliya
Jabuuti,(Baraarugnews.net)-Wada hadalada ay leeyihiin Guddiyada loo saaray howlaha u dhaxeeya dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ayaa horumar wanaagsan ka sameeyey qaar kamid ah qodobada miiska saarnaa.
Qaar ka mid ah Guddiyada labada dhinac iyo Saraakiil ka tirsan Dawlada Jabuuti oo ku sugan goobta ay ku sugan yihiin Guddiyada kala matelaaya labada dhinac ee Somaliland iyo Soomaaliya ayaa u xaqiijiyey Shabakada caalamiga ah ama qaybta Telifeeshanka iyo Idaacada Baruug tv RADIO qaar ka mid ah qodobo la isku afgartay labada dhinac ee loo xilsaaray arrimah SOmaliland iyo Somalia. waxaaney u dhignaa yeen sidan:-
1- Labada dhina-cba waxay ogolaadeen in dhammaan isku socodka la furo, gaar ahaana kan siyaasiinta oo ay masuuliyiinta ka socota Dawlada Koonfurta dalka Soomaaliya ee xilalka ay doonan ha hayeene ay tagi karaan dalka Somaliland. sidaas oo kalena siyaasiinta Somaliland xil dawladeed ama xildhibaan ahaadee ama siyaasiyiinta asxaabta ay tagi karaan Koonfurta dalka Somaliland, lana fasaxo isu-socodka labada dhinac.
2- Hanaanka deyn-Cafinta ayaa laysku raacay in wadajir looga wada shaqeeyo wasiiradda Maaliyada ee faderaalka Soomaaliya iyo Somaliland-na ay toos uga wada xariiraan.
3- Kaalmada caalamiga ah, waxay Somaliland heli doontaa qoondo dheeraad ah, maadaama ay deegaanadeeda oo dhan nabad yihiin, una diyaarsan yihiin Hay’addaha fulin kara noocyada Mashaariic oo ay kujiraan kuwa Maalgashiga waa weyn.
4- Deeqaha waxbarashada iyo nooc kasta oo ay kujiraan kuwa Milateri, laguna helo magaca Soomaaliya, Somalilandna waxay kuyeelanaysaa qoondo gaar ah, taas oo ay guddi gaar ah qeexi doonaan.
5- Qodobada ugu adag ee kulanka ayaa soconaya, waana midka ugu adag ee doodaha shirkan oo la doonayo in go’aan kasoo baxo, waana qodobada masiirka kusaleysan Somaliland, waxay kudoonaysaa Federaal lamid ah midka UK ay uga mid yihiin Scotland, Wales iyo IRLAND, laakiin Xukuumadda Soomaaliya ayaa doonaysa in 1 sano ilaa 6 bilood lagu dhameeyo Dibu heshiisiin dhab ah, lana qaato nidaam Federaal ah oo Koonfur iyo Waqooyi kudhisan saami qeybsiguna sidaas noqdo.”
Emial:-Office Somaliland baraarugnews@gmail.comCaarshe7@hotmail.com


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here