“Suldaan Ibraahin J Samatar Waxaan Leeyahay Dibiga Hirdinta badani Madaxa Ayuu u Dhintaa Ee Iska Aamus Aamuskaad ku Khayr badan Tahaye “Ugaas Jamaal Food Oo U jawaabay

0
410

Hargaysa( Baraarug) Ugaas Jamaal Food Oo Ka Mid Ah Madax Dhaqameedka Beesha Bariga Burco Ayaa Dhaliilo Adag U Jeediyay Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed Waxaana Uu Ku Eedeeyey Inuu Ku Fashilmay Xilka Wasiirka Arimaha Gudaha

Ugaaska ayaa sidoo kale waxaa uu ka hadlay Shirka boorama ee Xisbiga Kulmiye oo uu ka digay in Beesha habarjeclo ka Tashan doonto hadaan dib looga Laaban kaasi oo Ah mid Hagardaamo Loogu gaysan doono Siyaasiyiinta iyo haldorka Beelweynta habar Xabuusho oo Somaliland Kala badh degta sida uu hadalka u dhigay waxaana uu yidhi

“Shirkaasi Ma Aqbalayno Ina Kaahin Ma Metelo habarjeclo,Waxaana aanu aragnaa shirkaasi Mid Aan ka Turjumayn Siyaasada Beesha ee Ah xeegaan Wadaagta ay la leedahay beesha Dhigeeda ah ee Muuse Biixi Kasoo Jeedo waxaana aan u malaynayaa Inay Kasoo Socoto Maahmaahdii ahayd Rafadkii Ay rafanaysay Weeye,Waana Riyo Mana aha Wax run ah Waana in dib looga fiirsadaa arinkaasi” Ayuu yidhi ugaas Jamaal Food

Waxaan Leeyahay Anoo Ah Ugaas Jamalfood Arintii Aan Hore U Iclaamiyay Ee Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Inay U Dhacday Sidaan Sheegaayay Maadaama Shirkii Loo Afduubay Boorama Oo Galbeed Lala Aaday Waxaana Halkaas LA Doonayaa In Ragii Kaadiriinta Xisbiga Ahaa Lala Damacsan Yahay Tabcooyin Lagu Hagar Daamaynayo Beesha Habarjeclo.

Tenegii Ina Kaahina Wuxuu Kabaha U Qaadayaa Caruurtii Muuse Biixi Cabdi Oo Uu Guulwadayn LA Hor Ordayaa Waxaana Beeshu Ku Haysaa Ninkaas Ilgaar Ah Waayo Halyeeygii Maxamuud Xaashi Ayuu Qori Ciideed Ku Noqday.

Muuse Biixi Cabdi Waxaanu Leenahay Adeer Beesha Habarjeclo Shaadh Tolan Oo Kaawiyadaysan Ayay Kuu Xidhaye Indhahaaga Oo 15 Ah Ayaanu Badhamada Ka Rifaynaa Hadaad Isku Daydo Inaad Xisbigaas Cid Kale Ku Wareejiso Waxaana Aanu Ku Leena Hay Loogoow Laguu Minan Fadhiyee.

Ugaas Jamaal Food Ayaa Soo Faqay Taariikho Hore oo soo Kala Dhex Maray beesha Habarjeclo iyo Siyaasi Maxamed Kaahin Axmed Waxaana uu yidhi isagoo Arimahaasi Ka hadlaaya.

 “ Ina Kaahin Waa ninkii Siciid Faarax Cabdi Waraabe oo Ah Xildhibaan Dawladii Soomaaliyeed waxaana uu Siciid yimi itoobiya isagoo ka soo kicitimay Muqdisho dabadeed maxamed kaahin wuxuu ku yidhi dawladii Xabashida Ninkaasi Waa Basaase hala qabto ooh ala Xidho Waxaana taas kasii yaab badan Ina Siciid Waraabe Wuxuu Waqaqayn jiray Ina Kaahin Abaal badan Ayuu u hayay,waana ku guuldaraystay ina kaahin Muaamaradaas uu u dhigay ninkaas inaadeerkii ah,Markaa waxaa la wada ogyahay in Maxamed Kaahin uu Noogu Maqan Yahay oo keliya Dibindaabyo ee Aanu Waxtar noogu maqnayn Waana nin Habarjeclo ku Maqan ee aan u Maqnayn, maantana Waxaa uu  Taagan yahay Habarjeclo ayaa Halkaas manta I dhigtaye Hadaan Kursi Keliya usoo fuulo ama awood u yeesho Xataa wasiirba Ha noqdee Inaan Kabaha U Gashan Doono Inaan Beeshaasi Dib Siyaasad U Urin “ Ayuu Yidhi Ugaas Jamaal Food.

Ugu Danbayn Waxaa uu Jawaab Adag Siiyay Ugaasku Mid ka mid ah Salaadiinta Beelaha Samaroon Dhaliilo u jeediyay Boqor Buurmadoow Waxaana Uu Ku Yidhi Isagoo Arimahaasi ka hadlaaya

“Galbeedka Hargaysa waxaa laga maahmaahaa Maahmaaho Jilicsan Oo Ay ka mid tahay Dibiga Hirdinta Badani inta badan Madaxa Ayuu u Dhintaa,markaas Ina Jaamac Samatarkaas iska Hadlay Waxaan leeyahay Madaxa ha u dhimane Boqor Buurmadoow maaha nin aad u jawaabi kartide Aamus baan ku leeyahay Aamuskaad ku wanaagsan Tahaye “


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here