Suuq carruurta lagu kala iibsado oo ku yaal gudaha Somaliland

0
79

Hargeysa,(baraarugnews.net)-Waa dhacdo ugub ah oo aan gayiga Soomaaliyeed inta badan lagu aqooni jirin, sida uu kusoo waramayo wariyaha BBC-da ee Hargaysa.


Maxkamadda rafcaanka Hargaysa, ee Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaannida ee Somaliland ayaa labo qof oo lagu kala magacaabo Cabdiraxmaan Cabdullaahi Xasan iyo Khadra Cabdullaahi Maxamed midkiiba ku xukuntay labo sano iyo lix bilood oo xabsi ah, kadib markii lagu heley in ay ilmo ka xadeen qoys.Waxaa la sheegay in qof ka mid ah dadka la xukumay uu ilmo ka kaxaystay magaalada Hargeysa, ilmaha waxaa dhalay reer ay qaraabo ahaayeen qofkan, wuxuuna geeyay magaalada Abaarso, kadibna waxaa la qabtay iyaga oo ilmaha yar dalka dibedda uga dhoofinaya


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here