suurtagal noqon mayso in hadda la suuqgeeyo Shiidaalka dalka Soomaaliya. sababtoo ah…

0
81
suurtagal noqon mayso in hadda la suuqgeeyo Shiidaalka dalka Soomaaliya. sababtoo ah…

Hargeysa,(Baraarugnews.net)- Mudane Madaxwayne/Raysal wasaare suurtagal noqon mayso in hadda la suuqgeeyo Shiidaalka dalka Soomaaliya. sababtoo ah;

  1. Dawladu gacanta kuma hayso dhamaan dalka
  2. Ciidamadii awooda dalka la wareegi lahaa ma diyaarsana
  3. Dalku wuxuu ku tiirsanyahay kaalmo shisheeye oo gorgortan xeeldheer ma geli karno.
  4. Dib u heshiisiin dhaba dalka kama dhicin oo dadkii xanaf baa dhex taala.
  5. Dawlada dhexe iyo dawlad goboleedyada khilaaf ayaa ka dhex jira.
  6. Sharciga maalgashiga iyo ilaalinta xuquuqda hantida ( law of investment and property rigth) wali lama samayn.
  7. Soomaaliland dawladu heshiis buuxa lama gelin
  8. Gobolada maamuladu isku haystaan sida Gobolka Sool iyo Sanaag oo uu ku yaalo Ceelka Holhol wali xalbuuxa dawladu kama gaadhin.
  9. Daraasado iyo ra’yi aruurin lama samayn.
  10. Culumadii Soomaaliyeed ee baratay culuumta macaadinta sida shiidaalka talo bixin kama aysan soo samaynin, hadii ay sameeyeenna shacabka loomasoo gudbin.

Mudane madaxywane/Raysal wasaare Saxiix aad maanta samayso ayaa sanado badan ragaadin kara nolosha in kabadan 15 million oo Soomaali ah sidaa darteed marka arimaha masiiriga ah go’aan laga gaadhayo ra’yi aruurin hala sameeyo ayadoo aaraahda laga aruurinayo

  1. Aqoonyahanada
  2. Culumada
  3. Ganacsatada
  4. Ururada Bulshada
  5. Siyaasiyiinta iyo
  6. Axsaabta mucaaridka.

Waxaan talo soo jeedinayaa in

▪dib u heshiisiin dhaba la sameeyo

▪Maamulada lala heshiiyo

▪ciidamada la dhiso oo loo qalabeeyo in awooda dalkana lagu wareejiyo

▪dakhliga dawlada sare loo qaado ayadoo loo marayo canshuuraha iyo ilaha kale ee maaliyadeed (non tax sources)

▪cabudhinta laga dhaafo axsaabta mucaaradka oo la dhagaysto aaraahdooda.

Qodobadaas ayaan ku gaari karnaa hormar wanaagsan iyo awood aan kula gorgortami karno dowlado naga awood roon oo aan rabno inaan wax la qaybsano dalkana maalgelin raba inay ku sameeyaan.

Pro Mahadsanid Cabdi

Baraarugnews.news

MIAL:-Caarshe7@hotmail.com

 


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here