taariikh nololeeddiisa  Giorgio Marincola.

0
26
Sannadkii 1923 ayuu ku dhashay degmada Mahaddaay Weyn. Aabbihii waa Giuseppe oo ahaa sarkaal ka tirsan ciidankii lugta ee gumaysiga Talyaaniga, hooyadiina waa Ashkiro Xasan oo Abgaal ah. Waxaa la hooyo iyo aabbe ahayd Isabella oo dhalatay 1925. Isaga iyo walaashii oo yaryar waxaa la keenay dalka Talyaaniga (sida muuqata hooyadood waa ay ka hadhay iyo mooyi in ay dhimatay). Ilaa uu toban jir gaadhay wax uu la noolaa adeerradii oo aan ilmo lahayn, halka walaashii Roma ku la noolayd aabbaheed iyo marwo uu qabay oo ilmo kale u lahayd. Isaga oo toban jir ah ayuu aabbihii la soo dagay Roma, halkaas buuna waxbarashada asaasiga ah ka bilaabay.
Giorgio Marincola kolkii uu tacliinta asaasiga ah dhamnaystay wax uu jaamacadda u galay barashada cudurrada dhulalka kulaylaha, isaga oo ku talo jiray in uu dhulkiisii hooyo ku noqdo oo ka shaqeeyo. Hayeeshee Dagaalkii II baa dhacay, wax uuna ku biiray halgamayaashii Talyaaniga ee la dirirayay Faashistadii dalka haysatay ee Benito Mussolini iyo Nazigii Adolf Hitler ee caawinayay. Billad geesi dahab ah iyo dallacaad buu ku helay dagaalkaa.
Kolkii Gaashaanbuurtu Rooma xoreeyeen 1944 wax uu ku biiray ciidamadii xulafada oo uu tababar cusub ka qaatay. Wax uu qayb ka noqday ciidanka dalladaha ku booda, wax uuna ka dagay jiidda hore ee Jarmalka, isla sannadkaa ayuuna ku dhaawacmay weerar uu ku qaaday kolanyo Jarmal ah. Sannadkii xigay ee 1945 bishii Jeenaweri waxaa qabtay ciidankii SS ee gaarka ahaa, wax ayna u dhaadhiciyeen xabsi ku yaal saldhigyadii Naziga.
Intii uu maxbuuska u ahaa wax ay hor keeneen Radio Baita oo ay iyagu lahaayeen si uu halganka u ga waaniyo dagaalyahankii uu ka tirsanaa. Hayeeshee baahinta codka oo toos ahayd wax uu u ga faa’iidaystay in uu qadiyaddiisa ka sheego. Wax uu yidhi: “Dalkayga wax aan u aqaan ilbaxnimo iyo dareen xorriyadeed, ii mana aha uun midab khariidad ku yaal. Dalkayga u ma aqoonsani kelitalis la nooc ah Fashistada. Dalkaygu wax uu xorriyad iyo caddaalad u yahay dadka dunida oo dhan. Sababtaas baan u la halgamayaa gumaysiga…”
Halkaa markii uu hadalka marinayay ayay codkii ka jareen, iyaga oo cadhaysan ayayna u qaadeen xabsi kale oo ku yaal Turin. Dhammaadkii dagaalka kolkii Gaashaanbuurtu xabsigii xoreeyeen Giorgio wuu diiday in loo qaado xarun daryeel, wax uuna u kacay degmadii u gu dambaysay ee ciidanka Nazigu ku sii hadheen. Nasiib xumo goob kontorool baa la gu qabtay, wax uuna ka mid noqday dhawr qof oo halkaa Nazigu ku dileen, kaas oo ahaa dilkii u dambeeyay dagaalka Talyaaniga.
Maanta waxaa jira waddooyin iyo xarumo kale oo dalka Talyaaniga ninkaa loo gu magacdaray. Dugsigii Talyaaniga ee Muqdisho fasal baa isaga magaciisa lahaa. Maamuuska u gu weyni se waa mid bishan la siiyay oo ah in loo gu magacdaray xarun tareennada oo ku taal Roma.

Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here