Taliyaha Ciidanka Booliska Dalka Jabuuti Iyo Sirdoonka Qaaska u Ah Qoyska Madaxweynaha Dalka Jabuuti Oo Dhuumasho Ku Jooga Xaafada Masalaha Ee Magaalada Hargeysa &Habeen Madow Ayaa La Dili-doonaa Ganacsadaha Axmed Cismaan Geelle Arab Ama..”

0
2541
Taliyaha Ciidanka Booliska Dalka Jabuuti Iyo Sirdoonka Qaaska u Ah Qoyska Madaxweynaha Dalka Jabuuti Oo Dhuumasho Ku Jooga Xaafada Masalaha Ee Magaalada Hargeysa &Habeen Madow Ayaa La Dili-doonaa Ganacsadaha Axmed Cismaan Geelle Arab Ama..”
Taliyaha Ciidanka Booliska Dalka Jabuuti Iyo Sirdoonka Qaaska u Ah Qoyska Madaxweynaha Dalka Jabuuti Oo Dhuumasho Ku Jooga Xaafada Masalaha Ee Magaalada Hargeysa &Habeen Madow Ayaa La Dili-doonaa Ganacsadaha Axmed Cismaan Geelle Arab Ama..”

Hargeysa,(Baraarugnews.net)-Taliyaha ciidanka booliska dalka Jabuuti  Kornel Cabdullaahi Cabdi Faarax iyo saraakiil ka tirsan sirdoonka madaxweynaha dalka Jabuudi Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa socdaal qarsoodiya ku jooga caasimada Somaliland ee Hargeysa, isla markaana Taliyaha ciidanka booliska iyo xubno ka mid ah  sirdoonka aadka ugu kalsoon yahay, qaasna u ah, kana amar qaata qoyska Madaxweynaha dalka Jabuuti  marwadiisa Khadra Xayd ayaa safar dhuumasho ah ku jooga gudaha magaalada Hargeysa.

Xogo lagu kalsoon yahay, kana ag-dhaw safaarada dalka Jabuuti ku leedahay magaalada Hargeysa, oo ka gaabsaday in magacooda baahino, ayaa u sheegay shabakada Baraarugnews.net xafiiskeeda wararka ee Somaliland in Taliyaha ciidanka booliska dalka Jabuuti Cabdullaahi Cabdi Faarax iyo qaar ka mid ah shakhsiyaadka sirdoonka ay hawlaha sirta ah ee aadka u culus u diraan qoyska madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa la sheegay in u-jeeddada ka dambaysa safarkooda qarsoodiga ah ee todobaadkan aynu ku jirno ku yimaadeen magaalada Hargeysa, ay la xidhiidho ganacsadaha dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland ee mulkiilaha leh warshadaha soo saara sharaabka, Caanaha iyo biyaha   S.B.I Axmed Cismaan Geelle Arab oo degan magaalada Hargeysa ay ka shaqaynayaan hawl-gal lagu doonayo in lagu shirqoolo ganacsade ku nool gudaha dalka Somaliland.Balse xogahaa ayaa cadeeyay in taliyaha booliska dawlada Jabuuti kornayl Cabdullaahi Cabdi Faarax iyo xubnaha sirdoonka Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu u soo diray ganacsadaha oo safarkoodan qarsoodiga ah la xidhiidho,iyadoo dacwad iyo  lacag 20 milyan ah ay hore  ugu eeddaysay dawladda dalka Jabuuti in ganacsadahan oo muwaadin Jabuutiyaan ah  ka amaahday Bankiga Bank BCIMR ka  in mulkiilaha shirkadda GSK Axmed Cismaan  Geelle Arab, taasoo dawladda Jabuuti tilmaantay in lacagta 20 milyan uu ka amaahday baniga farasiiska lagu maalgaliyey shirkadda Coca cola ee uu ka sameeyay Axmed Cismaan Geelle Arab Magaalada Hargeysa.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in Madaxweynaha dawladda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Khadra Xayd, in ay u soo direen Taliyaha ciidanka Booliska Dalka Jabuuti kornayl Cabdullaahi Cabdi Faarax iyo xubnaha Sirdoonkooda gaarka ah ee arrimaha sirtooda gaarka ah u adeegsadaan safarka ay ku joogaan. hadda gudaha magaalada Hargeysa uu yahay  qaabkii lagu dililahaa ama lagu qaban lahaa ama lagula socon lahaa dhaq-dhaqaaqa  ganacsadaha Axmed Cismaan geelle Arab. Taliyaha ciidanka booliska iyo xubnaha sirdoonka ee dalka Jabuuti, ayaa degay guri kuyaala xaafada beesha Arab ka degto magaalada Hargeysa, oo ku dhaw agagaarka uu ku yaalo guriga ay degan tahay safaarada dalka Jabuuti ku leedahay caasimada Somaliland ee Hargeysa oo dhinaca xaafadaha beesha Arab ah ku sugnaa  shalay ilaa xalay guri ku yaala xaafada Masalaha. ee koonfurta magaalada Hargeysa

Wariye  ka hawl-gala oo ka tirsan shabakada Caalamiga ah ee Baraarugnews.net xafiiskeeda magaalada Hargeysa, oo shalay kula kulmay guri  ay ku sugnaayeen Taliyaha booliska Jabuuti, iyo xubno ka tirsan ciidanka Somaliland iyo nin lagu magacaabo Xareed Cali Xariir oo ganacsadaha isku beel yihiin, una fududaynayey arimaha adeegyada uga baahan yihiin suuqyada iyo waliba aqoon ahaan  ku soo dageen taliyaha booliska Jabuuti iyo sirdoonka ku wehelinayey socdaalka ee xaafada Masalaha ee Hargeysa, balse nasiib daro umay suurta galin in Wariyaaha kula kulmay xaafada Masalaha Taliyaha booliska, sirdoonka iyo xubno kale oo iyagu ka mid ah rag ku nool xaafada Masalaha ee Hargeysa innuu wax ka waydiiyo ujeeddada uu daaran yahay arrimaha ay u yimaadeen magaalada Hargeysa,, taasoo sabab u aheyd Taliyaha Booliska Jabuuti Cabdullaahi Cabdi Faarax iyo xubnaha socdaalka ku wehelinayey  ee sirdoonka, oo ficil ahaan samaynayey dhuumasho iyo safiirka jabuuti u fadhiya Hargeysa oo aad uga shaqaynayey in sakuuratigooda oo aad loo adkeeyay, taasoo ka muuqatay cabsida ay ka qabaan bulshada xaafada, madaama uu ka soo jeedo ganacsade Axmed Cismaan Geelle Arab, siday gaadiidka uga dagayeen iyo baabuurta is ticmaalayeen oo cabaar gudaha ugu jirayaan inta la jeeg garaynayo eeryada ay ku sugan yihiin kol-ba iyo guryaha ku degayeen, kana soo dageyn ilaa inta uu qof ka ag-dhaw yahay. xogahaa ayaa xusay in taliyaha booliska iyo sirdoonka dalka Jabuuti ay ku hawlan yihiin, una yimaadeen Hargeysa, in qalabka wax lagu basaaso ay doonayaan inay ku xidhaan xaafadaha beesha Arab ee koonfurta Hargeysa, iyadoo safaarada dalka jabuuti ku leedahay Somaliland oo ku taala xaafada Masalaha ee Hargeysa, iyo laamaha amaanka dawladda Jabuuti uga hawl-gala gudaha Somaliland ayaa macaluumaadka u gudbiyeen madaxweynaha dawlada Jabuuti  Ismaaciil Cumar Geelle la socod siiyeen in xaafadaha uu ka degan yahay ganacsadaha sida weyn u raadinayso dawlada Jabuuti Axmed Cismaan Geelle Arab uu degan yahay xaafadaha goonfurta ee magaalada Hargeysa, gaar ahaan Masalaha iyo Biibsigaba.

Sidoo kale, xogahaa, ayaa u cadeeyay shabakada Baraarugnews in Taliyaha ciidanka booliska dalka Jabuuti, sirdoonka iyo xubno aqoon dheer u leh arrimaha tiknoolijiyada wax lagu basaaso ee kamaradaha qarsoon, iyo  qalab kale oo sirdoonku isticmalaan GPS ay ku hawlan yihiin inay goobaha ay u tuhun san yihiin ganacsadaha Axmed Geelle Arab ku xidhaan, kuwaasoo adeegsanaaya dhalinyaro qaar kood ka tirsan yihiin laamaha booliska iyo sirdoonka Somaliland inay wadoonka iyo xaafadaha guryaha ku yaala iyo xid kasta oo xidhiidh la leh xitaa shaqaalaha shirkadihiisa ka hawl-gala u adeegsanaaya. “Ismaaciil lacag badan ayaa laga dhacay oo uu iskaga hadhay, wuu  iloobilahaa ina Geelle Arab. Siro badan ayuu ka hayaa. Axmed Cismaan Geelle Arab wuxuu hayaa siro badan.Wuxuu og yahay marsada Jabuuti waxa laga soo dejiyo, hubka kootarabaanka ah ee ka ganacsadaan maafiyada Jabuuti haysta. waa la dilidoonaa. Ismaaciil Cumar Geelle amar ayuu ku bixiyey, siddii loo dililahaa Axmed Cismaan Geelle Arab.Waana arkidoontaan oo kama hadhayo. Ismaaciil Cumar Geelle, haddii uu ku qaniino kama hadho qofka. Ismaaciil Cumar Geelle cadow tinimada uu u hayo Axmed Geelle Arab maaha tu-dhaw. Meshin ayaa loo diyaariyey habeen madow ayaa la qaadidoonaa ama habeen madow ayaa la dilidoonaa ganacsadaha Axmed Cismaan Geelle Arab. Ismaaciil Cumar Geelle wuu ku dhaartay innuu ku dilo oo ka badbaadimaysid.”Sidaa ayuu yidhi hogaamiyaha mucaaradka dalka Jabuuti Xasan Xareed oo waraysi siiyey shabakada Waaga cusub.

Office Hargeysa Caarshe7@hotmail.com Ama Emial: Baraarush00@gmail.com


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here