Tiradda Ciidamo Cusub Oo Si Qarsoodiya U Samaysteen Madaxweyne Biixi Iyo Wasiirkiisa Arrimaha Gudaha &Taliyeyaasha Laga Hoos Dhisay Ciidamo Ka Amar Qaadan Iyo Khatarta Ku Gadaaman shacabka SOmaliland

0
136
Tiradda Ciidamo Cusub Oo Si Qarsoodiya U Samaysteen Madaxweyne Biixi Iyo Wasiirkiisa Arrimaha Gudaha &Taliyeyaasha Laga Hoos Dhisay Ciidamo Ka Amar Qaadan Iyo Khatarta Ku Gadaaman shacabka SOmaliland
Caarshe7@hotmail.com

Hargeysa,(Baraarugnews.net)-Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiirkiisa arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed, ayaa hawl-galiyey  bishan dhamaatay  ee Jenuary koob iyo labaatankeedii ee sannadkan 21/January,/ 2019-ka saddex boqol oo sirdoon ah,una  tobabareen qaabka dadka loo basaaso ama waxa loo yaqaano ciidabada dheg-dhegaynta (C.I.D Basaasiinta), isla markaana waxay ku bilaabeen oo shaqo galiyeen maalintii Mudanayaasha aqalka Golaha guurtida Somaliland ay codka muddo kordhinta ah u sameeyeen xildhibaanada aqalka Golaha wakiilada Somaliland oo lagu bilaabay ciidamada u soo tobabareen, siddii ay shacabka ugu soo basaasan iyo siyaasiyiinta xisbi-xaakimka Kulmiye iyo xisbiyada mucaaridka ah Waddani iyo UCID ee ka soo horjeeda xukuumadda uu gadh wadeenka ka yahay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiirkiisa aarrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed, ayaa intii ay xilka kala wareegeen Madaxweynihii hore ee Axmed Siilaanyo waxay dhisayeen oo hamigoodu ahaa, kuna mashquulsanaayeen dhisida hayado ciidan oo si gaar ah u hoostaga iyaga, kuwaas oo aan ka amar qaadan ama aan ka tirsanayn ha’yadda u xilsaaran shaqada masuuliyada sirdoonka Somaliland ee C.I.D-da.Balse ciidanka cusub ee ay dhiseen Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiirkiisa arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed, ayaa la sheegay inay abuureen maalmihii uu xilka la wareegay-ba Muuse Biixi Cabdi, kuwaasoo intii uu xilka hayey Muuse Biixi qaab qarsoodiya  xarun uga socdeen tobabar xirfadeed  lagu  siinayey ciidamo isugu jira sirdoon iyo kooxo dhalinyaro boolis ah oo tiraddooda oo cayiman la hayn, laakiin laga dhisay xaafadaha magaalooyinka waa weyn ee Somaliland oo aan hoostegayn taliyeyaasha ciidanka booliska Cabdillaahi Fadal Iiman iyo taliyaha sirdoonka C,I.D-da ee Somaliland Jaamac, ciidamada tobabarkan qaatay ayaa tiradoodu gaadheysaa qaybta sirdoonka sida gaarka ah u hoostegaaya ee ka amar qaadan doona Muuse Biixi iyo Wasiirkiisa Maxamed Kaahin saddex boqol (300 C.I,D), oo xadhiga lagaga jaray ama ay ku bilaabeen shaqadoodii ugu horaysay bilaabeen kooxda basaasiinta ah meelintii bishan dhamaatay ee Jeeni-wari  mudanayaasha aqalka Golaha guurtida Somaliland codka muudo kordhinta u sameeyeen xildhibaanada Golaha wakiilada Somaliland.

Qaar ka mid ah saraakiisha ciidanka Somaliland oo ka gaabsaday in magacooda la sheego, ayaa cadeeyay in saddexda boqol ee la hawl-galiyey koob iyo labaatankii bisha dhamaadka ah ee Jeeniwari ooda laga qaaday loona kala diray Gobolada Sool Sanaag Togdheer, halka lixdan xubnood oo ka tirsan basaasiinta cusub ee  sirdoonka Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin qarsoodiga u samaysteen (60 C.I.D gaarka ugu adeega ee Muuse Biixi iyo kaahin amraan), ay ku sugnaayeen, kuna qornaayeen xarunta aqalka Golaha guurtida Somaliland maalintii ay dhacaysay codaynta muddo kordhinta loo sameeyay Mudanayaasha aqalka Golaha Wakiilada Somaliland, isla markaana Saraakiisha ka tirsan ciidamada Somaliland ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Baraarugnews.net in ciidamada sida qarsoodiga ah u aas-aaseen Madaxweyne Muuse Biixi iyo Wasiirkiisa arrimaha gudaha Maxamed Kaahin dhalinyaro da’ahaan weynayn maskaxdoodana waxay ku shubankaraan si fudud yihiin, arrimaha ay u diraana siddooda u fulinaaya, kana soo jeeda beelaha Madaxweyne Muuse Biixi Sacad Muuse (Habar-awal), beesha Garxajis gaar ahaan  u badan Isaxaaq, Ciidagale iyo shakhsiyaad Beesha Maxamed Abokor (Habar-jeclo), oo tiraddoodu  badnayn nambar ahaan u badan beesha Reer Daahir,laakiin Wasiir Maxamed Kaahin oo kalsooni iyo aaminiwaayey beelaha Habarjeclo ay kalsooni daradaasi ku keentay Wasiirka arrimaha gudaha in ciidamada sirdoonka qaybta uu soo qortay ka dhigtay oo tiro ahaan gadhaaya boqol iyo dheeraad ka soo jeeda gaar ahaan beeshiisa Bahawal, oo bahaha Muuse Yuusuf ah, waliba jifadiisa hoose oo ah reer Samatar uu ka dhigay ciidamada dadka u soo basaasa iyo qaar uu booliska qoray oo si gaar ah ugu shaqeeya Maxamed Kaahin, kuwaasoo inta badan uu ka qoray magaalooyinka waa weyn ee Gobolada somaliland gaar ahaan gobolada bariga iyo magaalada Hargeysa.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in saddexda boqol ee sirdoonka u qaaska ah Muuse Biixi iyo Wasiirkiisa arrimaha gudaha Maxamed Kaahin u badan yihiin Jifida Beesha Muuse Biixi Reer Samatar iyo beesha Maxamed Kaahin Bahawal qaab hoose u qoraan xubno qoys ahaan is xigaan, kuna dhex-darsadaan ciidamada kala duwan ee Somaliland, una kala direen Gobolada iyo magaalooyinka waa weyn ee Somaliland, iyadoo la sheegay inay u adeegsanayaan, gaar ahaan dadka ku mucaaridka ah xukuumadda ay gadhwadeenka ka yihiin  Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin, oo wakhti xaadirkan khilaaf kuluul ka dhex-aloosan yahay iyo dagaal hoose oo siyaasadeed Wasiiraddii hore uga tirsanaa xukuumaddii Madaxweynihii hore ee xilka ka degay Axmed Siilaanyo ee la safan Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Maxamuud Xaashi  Cabdi oo olole ugu jira Guddoomiyaha xisbi-xaakimka Kulmiye, si ay u helaan macluumaad ku saabsan mar-ba halkuu marayo iyo arrimaha uu gacanta kula jiro Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa qayb ka ah caqabadaha iyo xaaladaha adag ee maanta haysta xukuumadda Muuse Biixi,iyadoo sawirka askarta halkan idinka muuqda yahay askarta cusub ee booliska ay samaysteen oo u badan ciyaal da’ahaan sidaa u weynayn, kuwaaso oo ay u adeegsan doonaan shakhsiyaad gaar ah si ay ugu dhibaateeyaan.

Sidoo kale, saraakiisha ayaa sheegay in hamigooda ugu wayni yahay Muuse Biixi iyo Wasiirkiisa gudaha inay samaystaan awood Ciidamo adag, kala noocnooc ah oo 90% ka soo jeeda Beeshiisa iyo Beelaha kale ee ku kalsoon yahay Muuse Biixi, iyagoo Surtagelintii waxyaabaha hamigoodu yahayna ay bilaabeen oo hirgaliyeen wajigii kowaad, ku bilaabeen inay xidhaan dhaqaalihii iyo lacagtii soo galaysay dalka Somaliland.

Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Muuse Biixi Maxamed Kaahin Axmed, oo ku wehelinayo Taliyaha booliska Cabdillaahi Fadal Iimaan, ayaa bishan Jan 24/ 2019-ka tobabar ugu soo xidhay dufacad dhalinyar askar boolis ah xarunta  dugsiga Lixle ee Mandheera,iyadoo la sheegay in dhalinyaradaa iyo qaar kale oo dhalinyaro da’doodu sidaa u weynayn, walina dhamaysan dugsiga sare ee loo yaqaan ciyaal xaafadka inta koox, koox loo sameeyay laga dhigay ciidanka booliska oo wax tobabar ah la siin, kuwaas oo loogu talo galay in loo adeegsado, haddii xisbiyada mucaaridka ah gaar ahaan hogaanka xisbiga Waddani iyo taageerayaashiisa ay isku dayaan inay mudaharaado kaga soo horjeedaan hogaaminta Muuse Biixi ka soo abaabulaan xaafadaha uu ku taageero badan yahay ee magaalada Hargeysa.Isla markaana sawir muujinaaya hab-dhaqanada iyo ifa-faalada ku hawlan yahay ee ka soo muuqda Muuse Biixi Cabdi dib u soo celinta nidaamkii shuuciyada iyo xadhigii dawladdii Maxamed Siyaad Barre kula kici-jirtay shacabka Gobolada waqooyi ee immika la yidhaahdo Somaliland.

Caarshe7@hotmail.com


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here