Tiradda Dadka ku dhimatay iyo ku dhaawacmay Qarax ka dhacay magaalada Buuhoodle &Rag Xilal Ka Hayey Kooxda Khaatumo Oo Ku Dhintay Qaraxa

0
637

Buuhoodle, (Baraarugnews.net)-Qarax Xoogan oo salaadii makhrib ka dhacay magaalada Buuhoodle, ayaa la sheegay in tiradda ilaa hadda la og yahay ee ku geeryooday saddex qof oo mid inan yar yahay, halka shan qofna ku dhaawacmeen, isla markaana qaraxa ayaa ka dhacay ayaa ka dhacey xaafada Xaji Hiirad ee magaalada Buuhoodle.

Sidoo kale, dadka ku dhintay qaraxa ka dhacay magaalada Buuhoodle ayaa waxa ka mid ah ninkii hore u ahaan jiray Wasiirka arimaha gudaha ee kooxda khaatumo oo ku geeryooday qaraxa Maxamed Maxamuud Doolaal iyo cabdifataax Muxumuud.Balse wararka ka imanaaya magaalada Buuhoodle ayaa sheegay in qof nin ah isku qarxiyey ragan oo bar tilmaameed uu ahaa qaraxa ka dhacay magaalada Buuhoodle

Warku wuxuu intaa ku darayaa in ilaa hada la ogayn inta uu leeg yahay dhimashada  iyo dhaawaca khasaaraha ka dhashay qaraxa ka dhacay magaalada buuhoodle, Balse wararka ka soo kordha qaraxa ka dhacay magaalada Buuhoodle kala soco wararka wixii ka soo kordha khasaaraha dhimasho Wakaalada BARAARUGNEWS.NET


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here