Tiradda Dadka Ku Dhintay Mudaharaad Ka Dhacay Magaalada Jigjiga ee Dalka Itoobiya &Kiniisado la Gubay

0
196
Tiradda Dadka Ku Dhintay Mudaharaad Ka Dhacay Magaalada Jigjiga ee Dalka Itoobiya &Kiniisado la Gubay
Tiradda Dadka Ku Dhintay Mudaharaad Ka Dhacay Magaalada Jigjiga ee Dalka Itoobiya &Kiniisado la Gubay

Jigjiga,(Baraarugnews.net)-Mudaharaad ka dhacay magaalada Jigjiga ee dawlad deegaanka ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya, isla markaana rabshadahaa ayaa sababay khasaare isugu jira dhaawac iyo dhimasho.

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay halka tobaneeyo kalena ku dhaawacmeen mudaharaad ka dhacay magaalada Jigjiga, iyadoo dadka mudaharadayey ay gubeen Kiniisado ku yaalay magaalada Jigjiga.

Hoggaanka amniga Dowladda Deegaanka, Cabdi Caadil Xasan Cabdi, oo  u waramay Idaacada Bbc-da ka waramaya sida ay wax u dhaceen ayaa yidhi. “Dad baa intey soo abaabuleen shacabka qeybihiisa kala duwan, waxay dheheen ‘masaajiddii lagu gubay gobolka Goojam, waa in aan u muujino taageero iyo in aan ka xunnahay’, marka dowladda ayey soo ogeysiiyeen,” ayuu yiri.

Wuxuu intaa ku daray: “Arrintaas maadaama ay xuquuq dastuuri ah tahay in shacabka uu si nabadgelyo ah uu u bannaanbaxo”.

Isu soo baxaas oo ka dhacay garoonka magaalada waxaa ka qeybgalay dad aad u badan, balse rabshadaha waxay billowdeen markii halkaa laga soo dareeray, sida hoggaanka amniga ee deegaanka uu xaqiijiyay.

“Waxaa jira dad qas-wadayaal ah oo doonayay in amniga ay faraha ka bixiyaan. Waxay billaabeen rabshad iyo dhagax tuur, ka dibna waxay u dareereen goobaha ay kaniisaduhu ku yaallaan ee magaaladan Jigjiga. Arrintaas, hay’adaha nabad-gelyada si wanaagsan ayey uga hortageen”.

Kaniisadahaas iyo goobaha ganacsiga ee la sheegay in dadkaas ay doonayeen “in ay boobaan” ayaa loo sameeyay “ilaalo badan”, sida uu sheegay Cabdi Caadil.

Wuxuu tilmamay in dadka aysan “u bisleyn in ay si nabad gelyo ah u bannaanbaxaan oo dareenkooda ay u muujiyaan ka dibna ay kala dareeraan”.

“Waa in laga waantoobo rabshadaha iyo in hantida gaarka loo leeyahay iyo hantida dowladda la dhibaateeyo iyo in khasaaro loo geysto. Shacabka in la dhibaateeyo looma baahna”, ayuu sheegay.

Rabshadahaas magaalada Jigjiga ka dhacay waxay daba socdaan, ugu yaraan saddex masjid oo lagu weerraray gobolka Amxaarada ee Itoobiya, jimcihii la soo dhaafay.

Arrintaas oo ka dhacday magaalo lagu magacaabo Motta oo ay ku nool yihiin dad haysto diimo kala duwan ayaa sheegaya in ay ka dhaceen rabshado ka dib markii dab aan la filayn uu ka kacay kaniisad caan ah oo magaaladaasi ku taal.

Ka dib, dhalinyaro caraysan oo laga shakisan yahay ayaa habeenkii Jimcaha waxa ay weerrareen masaajiddo.


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here