Tiradda Dadka u geeryooday Xanuunka COVID 19 Dalka Maraykanka oo sii kordhaaya &Carqaladna galiyey dhaqaalaha adduunka

0
129
Tiradda Dadka u geeryooday Xanuunka COVID 19 Dalka Maraykanka oo sii kordhaaya &Carqaladna galiyey dhaqaalaha adduunka

(Baraarugnews.net)Tirada kiisaska dunida ee uu ku dhacay coronavirus ayaa dhaaftay 1.2 milyan iyadoo 65,000 oo qofna ay cudurkan u geeriyoodeen illaa markii uu coronavirus ka dillaacay Shiinaha dhammaadkii sanadkii hore sida ay ku warameyso xog aruurin ay baahisay jaamacadda Johns Hopkins.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Mareykanku uu galayo “waqtigan dalka Maraykanku wuxuu noqonaya mid aad u argagax badan.” “Tani waxay u badan tahay inay noqon doonto usbuucii ugu adkaa ” ayuu yiri Trump oo Aqalka Cad kula hadlayay wariyeyaasha waxaana uu sheegay in “dhimasho badan ay jiri doonto.”

Dad ka badan 45,000 oo qof ayuu cudurka Coronavirus ku dilay dalalka reer Yurub. Dalka Britain ayaa soo warinaya in kiisaska dhimashadu ay kor u kacayaan iyadoo dalkaasi ay ku geeriyoodeen dad ka badan 4,300 oo qof.

Boqoradda dalkaasi Elizabeth II ayaa lagu wadaa iney jeediso khudbad naadir ah maanta oo Axad ah si loogu booriyo dadka in ay u istaagaan sidii looga guuleysan lahaa caqabadaha cudurka coronavirus.Boqoradda ayaa si gaar ah ugu mahadcelin doonta shaqaalaha caafimaadka ee safka hore kaga jira la tacaalidda cudurkan oo loo yaqaan COVID19.

“Waxaan rajeynayaa in sannadaha soo socda uu qof kastqqhi awoodi doono inuu ku faano sidii ay uga jawaabeen caqabadan,” ayaa la soo wariyey iney khudbaddeeda ku sheegi doonta sida ay tilmaamayaan nuqullo la sii baahiyey Sabtidii shalay.

Cudurkan safmareenka ah ayaa carqalad geliyey dhaqaalaha adduunka, iyada oo la xiray ganacsiyadii dadkana lagu qasbay iney guryahooda joogaan.

Dowladaha qaar ayaa meelmariyey xirmooyin lacag ah oo lagu kabayo dhaqaalaha, hase ahaatee dhaqaala-yahannada ayaa ka digaya in dhaqaalaha dunidu uu hoos u sii liicayo xilli ay malaayiin dad ahna ay wajahayaan heerarka faqriga ka dib markii ay lumen shaqooyinkoodii.

Tirada dadka cudurka coronavirus ugu dhintay gudaha waddanka Mareykanka ayaa waxa ay maalin qura ka saramartay 1300, tiradaas oo noqonaysa middii ugu sarraysay ee muddo 24 saacadood ah dunida laga diiwaangeliyo.New York ayaa noqotay meesha saameynta ugu badan uu ku yeeshay Corona iyadoo ku dhawaad 2,000 oo qof ay ku dhinteen

 


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here