Tiradda:- Dagaal Dhex-maray Beelaha Arab Iyo Ciidagale  Oo Sababay Khasaare Dhimasho Iyo Dhaawac &Askarta Wax Ku Noqotay  Dagaalka Labada Beelood

0
1158

Laanqayrta,(Baraarugnews.net)-Dagaal sababay khasaare naf iyo maal-ba leh  oo laba beelood ku dhex-maray deegaandda ismaamulka soomaalida ee dalka Itoobiya, isla markaana labada beelood ee dagaalku dhex-maray ayaa dhalasho ahaan ka soo jeeda beelaha dalka  Somaliland.Tiradda:- Dagaal Dhex-maray Beelaha Arab Iyo Ciidagale Oo Sababay Khasaare Dhimasho Iyo Dhaawac Ah&Askarta Wax Ku Noqotay Dagaalka Labada Beelood

Warku wuxuu intaa ku darayaa in dagaal laba cesho  socday oo ka dhacay duleedka Lanqayrta ee kilalka ismaamulka dawlad deegaank soomaalida ee Itoobiya uu sababay dhimasho iyo dhaawac soo kala gaadhay labada dhinac ee  ku dagaalamay duleedka  magaalada Lanqayrta, isla markaana labada beelood ee walaalaha ah oo ka soo kala jeeda beesha Ciidagale iyo beesha Arab, ayaa la sheegay in dagaalka dhex-maray labada beelood ay isu-adeegsadeen hub iyo gaadiid tikniko.

Qaar ka mid ah dadka ku dhaqan deegaanka dagaalku ka dhacay, ayaa u sheegay shabakada wararka ee baraarugnews.net in Dagaalka labada beelood ee ka soo kala jeeda Beesha Ciidagale iyo beesha Arab, sababta keentay dagaalka dhex-maray labada beelood ay ka dambaysay markii beesha Arab ay Barkad is yidhaahdeen ka qota meel ku dhaw duleedka magaalada Lanqayrta deegaanka ismaamulka soomaalida ee Itoobiya, balse beesha Ciidagale ay ka diiday in goobtaas laga qodo barkad oo iska hortaageen beesha Arab, ka dib doraato uu dagaal labada beelood ku dhex-maray deegaanka Lanqayrta, kaasoo sababay dhimasho afar ruux iyo laba dhaawac ah oo soo kala gaadhay dhinacyadii ciidan beeleedka ahaa ee goobtaa ku dagaalamay.

Sidoo kale, dad ka soo kala jeeda labada beelood ee Arab iyo Ciidagale, ayaa u xaqiijiyey in khasaaraha labada dhinac soo kala gaadhay inta ay og-yihiin tahay afar nin oo ka dhintay dhinaca beesha Ciidagale, halka beesha Arab-na laba nin kaga dhaawacmeen dagaalka dhex-maray labada beelood ee walaalaha ah ee ku dagaalamay Lanqayrta dawlad-deegaanka ismaamulka soomaalida ee Itoobiya.

Geesta kale, hawl-wadeenada  Cisbitaalka magaalada Jigjiga oo khadka Telifoonka  Ugu waramay shabakada Wararka Baraarugnews.net, kana gaabsaday in magaciisa la sheego, ayaa sheegay in dhaawacyada iyo ragga dhintay ee labada dhinac la aasay maanta.  halka dhaawaciina lagu dabiibayo magaalada Lanqayrta, isla markaana sheegay in ciidan Niyuu-boolis ah oo ka socday maamulka dawlad-deegaanka Somaalida Itoobiya, oo shalay kala dhex-galay labada beelood ee ku dagaalamay duleedka Lanqayrta ay sideed ka tirsan ciidanka Liyuu-booliska ku dhaawac-meen dagaalka oo  mar kale shalay ka dhacay Laanqayrta oo dhex-maray labada beelood ee walaalaha ah ee ku dagaalamay Barkad laga qodayey goob cidla ah oo ku taal duleedka laanqayrta, kuwaasoo dhaawacyo kala duwan ka soo gaadheen askarta ka tirsanayd ciidanka Liyuubooliska, loola cararayna cisbitaalka magaalada Jigjiga ee Itoobiya.

baraarugnews@gmail.com


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here