Tiradda Dhimashada Iyo Dhaawaca Uu Sababay Dagaal Xoogan Oo Dhex-maray Ciidamada Somaliland Iyo Ciidamada Puntland &Maxaabiista La Kala Qabsaday

0
3337

Tukaraq,(Baraarugnews.com)-Dagaal xoogan oo faraha lagaga gubtay. Ayaa maanta ku dhex-maray dulleedka Tukaraq ciidamada Somaliland iyo ciidamada maamul-goboleedka soomaaliya ee Puntland, isla markaana Dagaalkan oo ahaa kii ugu cuslaa ee laba ciidan dhexmaray ayaa khasaare xoogan sababay oo soo gaadhey labada dhinac iyadoo dhimasho iyo dhaawac ka dhashay dagaalkaas.

ciidanka lagaga dilay ama kaga dhintay dagaalka Maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland, ayaa tiradda xaqiiqda ah eek u dhintay 22 Askar, halka dhaawacuna yahay 32, iyadoo mar-ba marka ka sii dabaysa soo kordhayso dhimashada iyo dhaawaca la gaynayo Cisbitaalada ku yaala magaalada Garoowe, isla markaana hawl-wadeenada cisbitaalka Garoowe iyo kuwa bareefadka ah ee ka hawl-gala Puntland, ayaa noo sheegay in dhamaan Cisbitaalada ku yaala Garoowe ay buux dhaafiyeen oo la circiirayaan dhimashada iyo dhaawaca ka dhashay dagaalka dhex-maray Somaliland iyo maamulka Puntland oo meelo kala duwan la geeyay askarta ku dhimatay iyo kuwa ku dhaawacmay dagaalkaa markii ay buux sameen goobihii caafimaadka. Hawl-wadeenada Caafimaadka ee cisbitaalka Garoowe waxay xuseen oo sheegeen in tiradda dhimashada askarta kaga dhimatay dagaalka maanta dhex-maray ciidamada Somaliland inay aamisan yihiin inay ka badan tahay 22, sababtoo ah mar-ba marka ka dambaysa waxa soo kordhaaya askar ku dhimatay iyo qaar ku dhaawacmay dagaalka oo keenayaa gaadiidka Hambalaasta ah, laakiin wali lagu hawlan yahay tiro koobka, oo khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee Maamul-goboleedka Puntland rumaysan yihiin inta dhimashada ay arkeen  dhimashad 22 iyo 32-ka dhaawaca ah ka badan yihiin, madaama la waayey meel la kala dhigo cisbitaalada ku yaala Garoowe oo buuxsamay iyo xaalad cakiran oo boqolaal qof iska soo biixyeen cisbitaalada meel laga marana la waayey, taasina keentay in dhamaan la ogaado khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay dagaalka,iyadoo qaar ka mid ah hawl-wadeenada Caafimaadka Puntland u sheegeen Wakaalada Baraarugnews.com xafiiskeeda Garoowe inay dhimashadu ka badan tahay 22, halka dhaawucuna ka badan yahay.

Dhinaca  Ciidamada Somaliland, ayaa dad ku sugan Tukaraq waxay u xaqiijiyeen Wakaalada Baraarugnews.net inay indhahooda saareen  4 askari oo ka dhintay ciidamada Somaliland, isla markaana wararkii u dambeeyay dhinaca Somaliland ayaa la sheegay in tiradda ku dhimatay tahay dagaalka ay gaadhayso sagaal askari, halka dhaawacuna gadhaayo 12 askari. Iyadoo afar ka mid ah askarta kaga dhimatay dagaalka ciidamada Somaliland caawa lagu aasay magaalada Oog afar Askari oo ku geeryooday dagaalka maanta ku dhexmaray ciidamada Somaliland iyo maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland deegaankaTukaraq, iyo hal askari oo ka dhintay ciidamada Puntland oo maydkiisa ka yaaceen, ay soo qaadeen ciidamada Somaliland, laguna aasay askariga ka dhintay askartii dagaalamaysay ee Puntland oo ka cararay maydkii askariga ka dhintay, isagana lagu aasay caawa magaalada Oog.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in 5 askari oo kaga soo  dhaawac-may ciidamada Somaliland dagaalka maanta ku dhexmaray Puntland Deegaanka Tukaraq la keenay cisbitaalka magaalada Burco, isla markaana waxa la sheegay in hal askari oo dhaawac ah, kana mid ah ciidanka maamul-goboleedka Puntland oo lagu qabtay dagaalka uu ku jiro dhaawaca la keenay Cisbitaalka Burco. Balse Dad goob joogayaal ah oo ku sugnaa goobta dagaalku ka dhacay ee Tukaraq, ayaa u xaqiijiyey inay arkeen shan askari oo ciidamada Somaliland ka qabqabteen ciidamada maamul-goboleedka soomaaliya ee Puntland oo gacanta lagaga dhigay  gaadiid tikniko ah oo gaadhaysa todoba gaadhi ayay ku qabsadeen ciidamada somaliland dagaalka oo saran yihiin hub noocyo kala duwan ah oo laga qabsaday ciidamada Puntland.

Sidoo kale, waxa la sheegay in dhinaca Somaliland laga qabtay laba Askari oo qabteen ciidanka Puntland, Balse labada dhinac-ba waxay sheegteen guul innuu ka gaadhay dagaalka intkasoo khasaaraha ka dhashay dagaalka ilaa iyo hadda tirro koob rasmi ah aaney labada dhinac-ba sheegin khasaaraha soo kala gaadhay ee dhimasho iyo dhaawac-ba, laakiin waxa laga yabaa inay xogtan ka badan tahay khasaaraha ka dhashay dagaalka, laakiin xaqiiqdu tahay in afar ka mid ah askartii ku dhimatay dagaalka lagu aasay caawa Magaalada Oog.

Hase, yeeshee, deegaanka dagaalku ka dhacay ayaa subaxnimadii waxa ka da’ay roob balaadhan oo May ah, kaasoo labada dhinac-ba saameyn ku yeeshay  gaadiidka tiknikada ah ee dagaalka.

Office Baraarugnews,net Sool


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here