Burco, (Baraarugnews.net)-Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay, halka saddex ruuxna ay ku dhaawacmeen Tuulada Waraabeeye oo ka tirsan deegaanka Gobolka Togdheer, isla markaana waxa la sheegay in koox hubaysan ay rasaas huwiyeen goob aroos ka socday oo ka dhacay Tuulada Waraabeeye
Warku wuxuu intaa ku darayaa in kooxda wax laysay ay ka soo jeedaan beesha Habaryoonis eek u dhaqan Gobolka Togdheer, halka qofka la dilay iyo saddexda dhaawaca ah ay ka soo jeedaan beesha Ciise Muuse (Habar-awal).Isla markaana waxa la sheegay in dilka ka dhacay arooska ay sabab u aheyd dhalinyaro dagaal gacanta ah oo dhanka arooskii ay ka wada ciyaarayeen isu-keenay qaar ka mid ahaa dhalinyaradii isku farasaaray ama ku murmay arooska dhex-diisa ay qori soo qaateen, ka dib rasaas ku fureen arooskii.
shabakada Baraarugnews.net ee xafiiskeeda magaalada Burco, ayaa dadka ku sugan deegaanka Waraabeeya ayaa u sheegay in san-san colaadeed ka socoto deegaanka Waraabeeye ee dilku ka dhacay, kuwaasoo sheegay in beesha Ciise Muuse ee ragga la dilay ka soo jeedaan ay isku urur sanayaan aga-gaarka magaalada waraabeeye.
Geesta kale, ciidamada ammaanka ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa la sheegay in ay qabteen raggii dilka gaystay Waraabeeya, balse ilaa hadda ma jiro war rasmiya oo ka soo baxay dhanka xukuumadda Somaliland.