Tiradda Dhimasho Iyo Dhaawac Ka Dhashay Dagaal Maanta Ku Dhex-maray Ciidanka Somaliland Iyo Jabhada Fadhigeedu Yahay Puntland (Taliye Caare).

0
134
Tiradda Dhimasho Iyo Dhaawac Ka Dhashay Dagaal Maanta Ku Dhex-maray Ciidanka Somaliland Iyo Jabhada Fadhigeedu Yahay Puntland (Taliye Caare).
Tiradda Dhimasho Iyo Dhaawac Ka Dhashay Dagaal Maanta Ku Dhex-maray Ciidanka Somaliland Iyo Jabhada Fadhigeedu Yahay Puntland (Taliye Caare).

Sanaag,(Baraarugnews.net)-Jab-had ka mid ah Jabhadaha ka jira deegaanada Gobolka Sanaag ee gobolada Bariga Somaliland, ayaa maanta weerar ku soo qaaday guuto ka mid ah ciidamada militariga Somaliland oo fadhigoodu ahaa Yuube oo dhinaca bariga ka xigta magaalo madaxda Gobolka Sanaag Ee Ceerigaabo, isla markaana dagaal socday dhawr saacadood oo la isu-adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ee madaafiicda ayaa sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo kala gaadhay ciidamada militariga ee ku sugnaa deegaanka Yuube.

Jabhada uu hogaamiyo taliyihii hore uga goostay ciidanka qaranka Somaliland Taliye Caare oo xarunta fadhigeedu ahaa duleedka magaalada Qardho, ayaa la sheegay in marqadii maanta ay weerar ku soo qaaday guuto ka tirsan ciidanka militariga Somaliland oo ku sugnayd Yuube,iyadoo halkaa dagaal ku dhex-maray labada dhinac ee Jabhada Taliye Caare iyo ciidanka Somaliland ee deegaanka Yuube ee Gobolka Sanaag.Isla markaana wararka kala duwan ee laga helayo labada dhinac ee ciidanka qaranka Somaliland iyo Jabhada uu hogaamiyo Taliye Caare, ayaa la sheegay in dagaalka dhex-maray labada dhinac ay jirto khasaare dhimasho iyo dhaawac iyo gaadiid maxaabiis lagu qabtay. Qaar ka mid ah saraakiisha ciidanka militariga ee Gobolka Sanaag, ayaa u cadeeyay  wariye ka tirsan Wakaalada Baraarugnews.net/R.D.B. in laba askari oo ka tirsan ciidanka fadhiyey Yuube ee Gobolka Sanaag ay kaga dhinteen dagaalka dhex-maray Jabhada uu hogaamiyo Taliye Caare, oo ka dileen laba Askari ciidanka ku sugnaa Sanaag bari ee Somaliland.

Sidoo kale, saraakiil ka tirsan ciidanka la dagaalamay Jabhada Taliye Caare oo ka gaabsaday in magacooda la sheego ayaa  u sheegay Shabakada Baraarugnews.net in toban Nin ka qabteen oo ka tirsanaa Jabhada Taliye Caare oo lagu qabtay maanta dagaalka iyo gaadhi tikniko ah oo qori saaran yahay, Balse saraakiisha ayaa diiday inay faahfaahin dheeraad ah ka bixiyaan qaabka dagaalku u dhacay iyo khasaaraha dhabta ah ee soo gaadhay ciidanka,iyagoo sheegay inay weerar ku soo qaaday Jabhada uu hogaamiyo Taliyaha ka soo horjeeda maamulka Muuse Biixi Cabdi, kuna hawlan yihiin tiro koobka iyo ururinta khasaaraha soo gaadhay ciidanka,halka ay sheegeen inay toban nin ka qabteen  Taliye caare oo la socday Jabhada dagaalku dhex-maray ee saldhigeedu yahay Puntland.

Geesta kale, xubno ka tirsan jabhada uu hogaamiye Taliye Caare oo ka gaabsaday in magacooda la sheego ayaa u sheegay shabakada Baraarugnews.net in khasaaraha dhinacooda soo gaadhay ee Jabhada Taliye caare tahay laba nin ka tirsan ciidanka Jabhada ay kaga dhaawac-meen dagaalka dhex-maray ciidanka ku sugnaa Yuube ee militariga Somaliland.

 


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here