Ceerigaabo, (Baraarugnews.net)-Mudaharaadkii Maanta ka dhacay magaalo Madaxda Gobolka Sanaag ee Ceerigaabo, ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac, isla markaana xaalada deegaanada labada beelood ee walaalaha ah ku dagaalamayaan ee Ceel-afweyn ayaa xaalad cakiran oo murugsan oo colaad ah laga soo sheegayaa.
Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay, laba qofna way ku dhaawacmeen mudaharaadkii maanta ka dhacay magaalada Ceerigaabo. Balse magaalada Ceerigaabo, ayaa caawa iyo galinkii dambe caadi aheyd oo wax nabadgelyo xumo ah oo ka jiray ma jirto oo xaaladu caadi ahayey aheyd wayna daganayd.
Geesta kale, waxa caawa fiidkii lagu dilay nin deegaanka Ceeryaan oo dhinaca koonfurta kaga began magaalada Ceerigabo, isla markaana ciidamada qaranka Somaliland ayaa ku hawlan sidii ay u qabqaban lahaayeen maleeshiyo beeleedka xoola dhaqatada ah ee weerarada amnidarada ka wada deegaanka Gobolka Sanaag ee bariga Somaliland.