Tiradda Dhimasho Iyo Dhaawaca Ka Dhashay Dagaal Maanta Labada Beelood Ku Dhex-maray Deegaanka Ceel-afweyn &Xaaladii U Dambaysa Caawa

0
2512

Ceel-afweyn, (Baraarugnews,net)-Laba Beelood oo dagaal ku dhex-maray deegaanka Dhidin oo ka tirsan Degmada Ceel-afweyn ee Gobolka Sanaag, ayaa barqadii saaka ku dagaalamay Deegaanka Dhidin oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac badan.
Ugu yaraan dhimashada eek u geeryooday dagaalka Balada beelood oo ah labadii dhinac ee dagaalamayey ayaa la sheegay inay gaadhayaan 12 qof halka dhaawacuna uu yahay dhawr iyo toban ee ilaa hada la hubo, isla markaana labada beelood ee dagaalku ku dhex-maray deegaanka Dhidin ayaa kala Beesha Sacad Yoonis iyo Axmed-faarax Biciid oo ka mid ah beelaha Biciide, isla markaana labada beelood ayaa la sheegay inay isu-adeegsadeen qoryaha Daran-dooriga u dhaca ee Akaha iyo badh-dool iyo qaar kakle.
Hadaba dagaalkan labada beelood ee maanta ka dhacay deegaanka Dhidin ee Ceel-afweyn, ayaa ku soo beegmaaya intii Madaxweyne Kornayl Muuse Biixi hayey xilka ay dhawr jeer ooh ore ugu dagaalameen deegaanka Ceelafweyn, isla markaana dagaalkii kan ka horeeyay ayaa sababay dhimasho aad u tiro badan oo gaadhaysa in kabadan koton ruux iyo dhaawac farabadan oo ka dhashay dagaalkan kii ka horeeyay.
Hase yeeshee Wakaalada Baraarugnews.net oo caawa fiidkii la xidhiidhay dad ku sugan deegaankii maanta ku dagaalameen labada beelood xaaladu siday tahay, ayaa ii sheegay in ciidamada militariga Somaliland ay kala dhex-galeen, ayna ka socoto deegaanka Ceel-afweyn Madax-dhaqmeed iyo odayaal dedaal ugu jira, sidii loo dabin lahaa xaalada dagaal ee ka dhex-aloosan deegaanada Gobolka Sanaag oo wakhti xaadirkana ay guud ahaan gacanta ku hayaan goobihii dagaalku ka dhacay maanta amaankeed ciidamada qaranka Somaliland.
Caarshe7@hotmail.com


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here