Ceerigaabo, (Baraarugnews.net)-Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay weerar gaadmo ah oo Maleeshiyaad beeleed hubaysan ay salaadii hore ee saaaka ku soo qaadeen Tuulada Ceeryaan oo ka tirsan deegaanka Gobolka Sanaag ee bariga Somaliland.
Warku wuxuu intaa ku darayaa xilli ay dadka ku dhaqan Tuulada Ceeryaanta ay tukanayeen Salaadii subax oo ku jireen Masaajid ku yaala magaalada rag maleeshiyaad beeleed hubaysan rasaas ku fureen Masaajidka dadkii ku jiray.Isla markaana waxa la sheegay in laba nin oo walaalo ah ku dhinteen rasaastii ay ku rideen maleeshiyaadku ragii ku tukanayey Masaajidka Tuulada Ceeryaanta laba ka mid ah dadkii ku tuganayey, halka nin ka mid ahaa maleeshiyaadkii wax soo weeraray, sida la sheegay gaadhi ay wateen ka dhacay isna ka dhintay dhinacii maleeshiyaadka soo qaaday weerarka.
Sidoo kale, dad goob joogayaal ahaa ayaa u sheegay wakaalada Baraarugnews.net in maleeshiyaadka wax soo weeraray ka soo jeedaan Beesha Muuse Ismaaciil oo ka mid ah beelaha Habaryoonis ee Gobolka Sanaag, halka beesha la soo weerarayna ay tahay Basan-buur oo ka tirsan Beesha Biciide oo ka mid ah beelaha Biciide.Balse dad kala duwan oo ku sugnaa Tuulada Ceeryaanta iyo beelaha ku dhaqan Gobolka Sanaag ayaa xaqiijiyey in maleeshiyaadka hubaysan ee soo qaaday weerarka ay ka mid aheyn ama ka tirsanayn ama u talin Taliyihii ka goostay ciidanka Qaranka Caare, iyagoo tilmaamay inay daba socdeen aano hore maleeshiyaad beeleedka gaystay weerarka, kana soo jeeda Beesha Muuse Ismaaciil.
Haddaba weerarka ayaa ku soo beegmaaya xilli ergooyin isugu jira Culumo iyo Madax-dhaqmeed kala duwan ay u fadhiyaan Degmada Ceel-afweyn heshiisiinta laba beelo ah oo walaalo ah dagaalo soo noqnoqday ku dhex-maray deegaanada Ceel-afweyn.
Geesta kale, dad lagu kalsoon yahay oo ka gaabsaday in Magacooda la sheego ayaa u sheegay Wakaalada Baraarugnews.net in nin ka mid ah maleeshiyaadkii gaystay weerarka ciidamada amaanka ee Somaliland gacanta ku soo dhigeen, isla markaana kuwii kalena lagu dabo jiro oo dhamaan ergadii iyo ciidamada amaanku ku hawlan yihiin sidii loo soo qaban lahaa, kuwaasoo tilmaamay inay dhamaan bulshada deegaanka Gobolka Sanaag ka hawl-galeen sidii loo soo qaban lahaa maleeshiyaadka gaystay weerarka.
Baraarugnews.net Iimeel:- Caarshe7@hotmail.com