Tiradda Ergooyinka iyo Ganacsatada u Xuleen Beesha Garxajis Shirka Marti-galisay Beesh Habarjeclo ee Magaalada Burco Iyo Qaabka u qayb sadeen Habar-yoonis iyo Ciidagale &Waa Maxay U-jeedooyinka iyo Sababaha keenay Shirka Beelaha Habarjeclo Iyo Garxajis?

0
780
Tiradda Ergooyinka iyo Ganacsatada u Xuleen Beesha Garxajis Shirka Marti-galisay Beesh Habarjeclo ee Magaalada Burco Iyo Qaabka u qayb sadeen Habar-yoonis iyo Ciidagale &Waa Maxay U-jeedooyinka iyo Sababaha keenay Shirka Beelaha Habarjeclo Iyo Garxajis?

Hargeysa,(Baraarugnews.net)-Ergooyinka kala duwan ee beesha Garxajis u xuleen shirka  beesha Habarjeclo ay gogashiisa dhigtay, ee shan iyo tobanka bishan aynu ku jirno (15/3/2020-ka), ka furmaaya magaalo madaxda Gobolka Togdheer ee Burco. Isla markaana tirada xubnaha loo xulay ee uga  qayb-galaysa beesha garxajis ayaa isugu jira Madax-dhaqmeed, odayaal iyo ganacsato ka soo jeeda beesha Garxajis.

Qaar ka mid ah Salaadiinta iyo ganacsatada beesha Garxajis, oo ka cudur daartay in aanu magacooda sheegno, ayaa u xaqiijiyey Wakaalada wararka ee Baraarugnews.net in tirada ergada uga qayb-galaysa  shirka beesha habarjeclo ku martiqaaday beesha Garxajis, tiro ahaan dadka beesha Garxajis ah ee u soo xuleen ay ka soo kala jeedaan Salaadiinta iyo ganacsatada beelaha Habar-yoonis iyo Ciidagale.

Salaadiinta iyo Odayaasha beesha Ciidagale laga soo xulay ee dhanka beesha Ciidagale u matelaaya ka qayb-galka shirka ayaa la cadeeyay in tiradoodu tahay sodon xubnood oo isugu jira madax-dhaqmeed iyo odayaal. Halka Salaadiinta iyo odayaasha beesha Habaryoonis laga soo xulay ee u matelaaya ka qayb-galka shirka beesha Habarjeclo gogashiisa dhigtay ayaa tiro ahaan ergada ka socda dhanka beesha Habaryoonis koton xubnood (50 ergada Habar-yoonis), oo isugu jira noocyada kala duwan ee Madax-dhaqmeedka iyo odayaal miisaan culus ku dhex-leh beesha Habaryoonis.

       Tiradda Ganacsatada ka qayb-galaysa shirka Beelaha Habarjeclo iyo Garxajis ee Magaalada Burco.:-

Ganacsatada ka soo jeeda beesha Ciidagale ayaa la sheegay in ay ka kooban tahay toban ganacsade ah (10 ganacsade Ciidagale),oo dhalasho ahaan ka soo jeeda beesha Ciidagale ee magaalada Hargeysa.

Tiradda ganacsatada ka  soo jeeda beesha Habar-yoonis ee ka qayb-galaysa  shirka ay gogashiisa ay dhigtay beesha Habarjeclo ayaa ka kooban labaatan ganacsade ah (20 ganacsade Habaryoonis ah), oo dhalasho ahaan ka soo jeeda beesha Habaryoonis.

Toban xubnood oo matelaaya Qurbajooga beesha Garxajis oo isku duuban ayaa lagu daray (10 Garxajis).

Ergooyinka beesha Garxajis uga qayb-galaysa shirka gogashiisa ay dhigtay beesha Habarjeclo ayaa guud ahaan dhan boqol iyo labaatan xubnood (Tirada Ergada uga qayb-galaysa beesha Garxajis 120), isla markaana  guud ahaan bulshada ka soo jeeda beesha Garxajis, ayaa siweyn oo meeqan-sare ah isu-abaabulay, sida ay uga qayb galaan shirka wajigiisa kowaad ka furmayo shan iyo tobanka bishan aynu ku jirno ku ndhex-maraaya beelaha Garxajis iyo Habarjeclo magaalada Burco.

Hase yeshee, shirka Beelaha Habrjeclo iyo Garxajis uga furmaaya magaalada Burco ayaa u-jeedooyin iyo sababaha keenay shirkan labada beelood waxaanu idinku soo gudbin doonaa Shabakada Caalamiga ah ee Baraarugnews.net

Baraarugnews@gmail.com or caarshe7@hotmail.com


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here