Tiradda Gadiidka Ay Jabhada Caare Ka Gubtay Ciidanka Qaranka Somaliland &Taliyaal Ku Dhaawac-may Weerarkii Ceel-afweyn Iyo Masuuliyiintii Xukuumadda Muuse Oo Kabihii Ka Cararay

0
276
Tiradda Gadiidka Ay Jabhada Taliye Caare Ka Gubtay Ciidanka Qaranka Somaliland &Taliyaal Ku Dhaawac-may Weerarkii Ceel-afweyn Iyo Masuuliyiintii Xukuumadda Muuse Oo Kabihii Ka Cararay
Tiradda Gadiidka Ay Jabhada Taliye Caare Ka Gubtay Ciidanka Qaranka Somaliland &Taliyaal Ku Dhaawac-may Weerarkii Ceel-afweyn Iyo Masuuliyiintii Xukuumadda Muuse Oo Kabihii Ka Cararay

Ceel-afweyn,(Baraarugnews.net)- Wararka Iska-horimaad Caawa ka dhacay Ceel-afweyn: Xogta Goobjoogeyaasha! Sida ay ii xaqiijiyeen dad ku sugan Ceel-afweyn oo aan la xidhiidhay, abbaaro 11:40 habeennimo ee caawa waxa magaalada Ceelafweyn weerar ku soo qaaday 13 gaadhi oo ka tirsan jabhdadda Kornayl Caarre oo hore uga tirsanaa ciidanka Somaliland. Waxaanay beegsadeen xabsiga degmada, wararku waxa ay sheegayaan in halkaasi oodda lagaga qaaday ama lagu sii daayay dhammaan maxaabiistii ku jirtay jeelka. Waxa ay jabhaddu gubeen hal gaadhi oo ay leeyihiin ciidanka qaranka Somaliland.

Dhanka kale waxa ay jabhaddu rasaas la beegsatay guriga martida ee Ceelafweyn oo ay ku sugnaayeen wasiirro ka tirsan xukuumadda Somaliland. Waxa markii dambe soo gaadhay Ceelafweyn ciidan ka yimi Ceerigaabo, kuwaas oo ku guulaystay in Jabhaddi ka baxdo degmada Ceel-afweyn. Iska hor imaadkan ayaa socday muddo saacad ku dhaw.

Xogaha aan helay waxa ay intaas ku darayaan in uu dhaawac soo gaadhay taliyaha xabsiga Ceelafweyn. Si rasmi ah looma wada xaqiijin karo khasaaraha ka dhashay weerarka dhacay caawa saqdii dhexe. Ciidankii Jabhadda Caarre ayaa ku sugan meel u muuqata Ceelafweyn, waxaanay isu muuqdaan ciidanka Somaliland. Lama oga sida xaalku noqon doono marka waagu beryo.

Duullaanka Jabhadda Caarre ayaa lagu xidhiidhinayaa rabitaan ah in ay kala-daadiyaan ama carqaladeeyaan booqasho la filayay in uu Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ku tago gobolka Sanaag maalmaha soo socda.Dhanka kale waxa magaaladaas ku sugnaa ergadii heshiiska u kala saxeexday labadii beelood ee shaqaaqadu dhawaan ku dhex martay Ceel-afweyn.. Ilaahay ha sahlo..”xigasho Siciid Maxamuud Gahaydh

Kala Xidhiidh EMIAL:-Caarshe7@hotmail.com


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here