Tiradda Khasaaraha  Dhimasho Iyo Dhaawac ee Ka Dhashay Dagaal Dhex-maray Kooxda Khaatumo Iyo Somaliland &Sababaha Keenay  Weerarkii Lagu Qaaday Ciidanka qaranka Somaliland

0
537
Tiradda Khasaaraha  Dhimasho Iyo Dhaawac ee Ka Dhashay Dagaal Dhex-maray Kooxda Khaatumo Iyo Somaliland &Sababaha Keenay  Weerarkii Lagu Qaaday Ciidanka qaranka Somaliland
Tiradda Khasaaraha  Dhimasho Iyo Dhaawac ee Ka Dhashay Dagaal Dhex-maray Kooxda Khaatumo Iyo Somaliland &Sababaha Keenay  Weerarkii Lagu Qaaday Ciidanka qaranka Somaliland

Laascaanood,(Baraarugnews.net)-Ciidamo la sheegay inay ka tirsan yihiin kooxda Khaatumo, ayaa weerar ku soo  qaaday fadhiisan ciidanka qaranka Somaliland ku leeyihiin duleedka magaalada Laascaanood, iyadoo ciidanka la sheegay inay ka tirsan yihiin kooxda khaatumo ee dagaalka soo qaaday lagu qiyaasay soddomeeyo ka fuliyeen Taliska Qaybta Booliska ee ciidanka Somaliland, kuwaasoo isu-adeegsasaday Baasuukayaal, bambooyin iyo hubka fudud intaba.

Ilo lagu kalsoon yahay oo ka ag-dhawaa goobta dagaalku ka dhacay ayaa u xaqiijiyey shabakada wararka ee Baraarugnews.net inuu weerarkan ku dhintay Sarkaal  Farxaan Naxashwaa oo ahaa taliye sare oo ka tirsan ciidamada Khaatumo sidoo kalena ay ciidankaasi kaga dhaawacmeen ugu yaraan laba askari oo ka mid ah Khaatumo.

Dhanka kale, waxaa la xaqiijiyey in ugu yaraan hal askari kaga dhaawacmay ciidanka Somaliland, halka hal qof oo rayid ahina waxyeelo ka soo gaadhay rasaas habaw ah [wiifto] oo bartii uu hurdey ku habsatay.

Magaalada ayaa laga dareemayaa kacsanaan xoog leh, iyadoo subaxnimadan horeba ay muuqato dad weyne koox-koox isugu waraysanay goobaha qaarkood.

Ma jiro ilaa hadda wax war ah oo ka soo baxay labada maamul, Somaliland iyo Khaatumo, iyo hay’adohooda amniga midkoodna.

Hase yeeshee, dagaalka kooxda Khaatumo soo qaaday ayaa lala xidhiidhinayaa markii Madaxweyne Muuse Biixi laaley oo uu diiday wada hadalkii u dhaxeeyay Dawladda Somaliland iyo kooxda khaatumo oo furmay dabayaaqadii xilligii uu xilka ka dhamanayey Madaxweynihii hore ee xilka ka degay AXMED Siilaanyo, isla markaana Muuse Biixi ayaa xisbiyada mucaaridka ah ee UCID iyo Waddani hore ugu eeddeeyeen in Muuse Biixi masuul ka ahaa burburkii wada hadalkii u dhaxeeyay hogaamiyaha khaatumo Cali Khaliif iyo Somaliland.isla markaana Wadahadaladii Somaliland iyo Khaatumo ayaa hakad galay kadibmarkii Maamulkii Siilaanyo lagala wareegay kursiga, waxaana beryihii dambe muuqatay hadalo cabasho ah oo Maamulka Khaatumo kaga dayrinayo xaaladda, iyadoo Kooxaha hubeysan ee Khaatumo ayaa inta badan ka soo horjeedey heshiiska Madaxweyne Cali Khaliif Galaydh la galay Somaliland.

Xafiiska Wararka ee Baraarugnews.ne

MIAL:-Caarshe7@hotmail.com


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here