Tiradda Khasaaraha Dhimasho Iyo Dhaawaca Ka Dhashay Labada Dhinac Dagaalka Ku Dhex-maray Somaliland Iyo Maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland Tukaraq &Maxaabiista Laga qabtay Puntland

0
2126

Hargeysa,(Baraarugnews.net)- Dagaal aad u culus ayaa maanta dhex maray Jamhuuriyada Somaliland iyo Maamul-goboleedka soomaaliya ee Putland oo ka dhacay deegaana Tukaraq, ayaa sababay khasaare badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, isla markaana waxa weerarka soo qaaday Putland iyaga oo weerarka ks soo qaaday saddex goobood oo laba ka mid ahi yihiin dhanka Howd ee Buuralayda Boocame ah,

Masuuliyiin kala duwan, ayaa u xaqiijiyey wakaalada Baraarugnews.net in Khasaaraha askarta kaga dhimatay ciidamada Somaliland ee soo gaadhay ay Dhimashadu tahay- 16 Askari oo laba ka mid ahi markii dambe dhaawac ku dhinteen. Halka dhaawucuna yahay  68 Askari oo dagaalkaasi kaga dhaawacmay Somaliland mana jiro wax maxaabiis ah oo nool oo laga qabsaday iyo gaadiid toona.

Dhinaca kale ee maamul-goboleedka soomaaliya ee Puntland Khasaaraha dhimashada kaga nafwaayey dagaalka ee ka dhintay maanta  waxay gaadhayaan 87 Askari oo kaga dhintay dagaalka Tukaraq maanta Puntland, halka ay kaga dhaawacmeen dagaalka159 Askari oo dhaawac ee Goobaha la geeyay cisbitaalada magaalada Garoowe oo buuxsamay ee Garoowe.Isla markaana Ciidamada Somaliland ayaa ku qabqabtay dagaalka Maxaabiista laga qabsaday maamul-goboleedka soomalaiya ee puntland ayaa tiraddoodu gaadhaysaa todoba iyo sodon maxbuus (37 Maxbuus), oo lix ka mid ah yihiin dhaawac ayay gacanta ku dhigeen ciidanka Somaliland.

Sidoo kale ciidanka soomaliland ayaa gacanta kaga dhigay oo ka qabsaday puntland gaadiid tikniko ah, iyadoo gaadiidka laga qabtay ayaa ah dhowr gaadhi inkastoo ay ku jiro gaadhi leh Xigta Buluuga ah ee Ciidanka Fadaraalka Somaliya  oo laga qabsaday maamulka Puntland.

 


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here