Tiradda ku dhaawac-may Ciidamada Booliska Somaliland &Khasaaraha Ka Dhashay Weerarkii Jabhada Gobolka Awdal Ku Qaaday Saldhiga Dhexe Ee Boorama

0
528
Tiradda ku dhaawac-may Ciidamada Booliska Somaliland &Khasaaraha Ka Dhashay Weerarkii Jabhada Gobolka Awdal Ku Qaaday Saldhiga Dhexe Ee Boorama
Tiradda ku dhaawac-may Ciidamada Booliska Somaliland &Khasaaraha Ka Dhashay Weerarkii Jabhada Gobolka Awdal Ku Qaaday Saldhiga Dhexe Ee Magaalada Boorama

Boorama,(Baraarugnews.net)-Jabhad bilihii ugu dambeeyay laga sameeyay deegaanka Gobolka Awdal, ayaa wakhti ku dhaw waaberigii oo ku began ilaa shantii subax-nimo ee saaka weerar ku soo qaaday Saldhiga dhexe ee gudaha  magaalada Boorama,isla markaana Jabhadaas ayaa  jahooyin kala duwan ka soo weeraray ciidan ku sugnaa saldhiga dhexe ee magaalada Boorama, oo sababay khasaare soo gaadhay ciidamo ka mid ah askartii joogay saldhiga dhexe ee magaalada Boorama.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in saddex jaho oo kala duwan ay  jabhadu weerar kaga soo qaaday ama ka soo galeen saldhiga dhexe ee Boorama,isla markaana rasaas ooda kaga qaadeen askar ka tirsan ciidanka booliska oo ku sugnayd saldhiga dhexe ee magaalada Boorama.

Saraakiil ka tirsan ciidanka booliska ee Gobolka Awdal iyo iyo saraakiil ka ag-dhaw taliska guud ee ciidamada booliska Somaliland oo ka cudur-daartay in magacooda sheegno, sababa la xidhiidha in warkan saameyn ku yeesho shaqada ay ka hayaan dhanka ciidamada ayaa  cadeeyay in weerarka ay ku soo qaadeen rag u abaabulan qaab jabhad ah oo ka jira  Gobolka Awdal, weerar gaadmo ah oo qaabkii jabhadaha ah ku soo qaadeen ciidamo joogay saldhiga dhexe ee magaalada Boorama, kuna dhaawac-meen afar askari oo ka tirsanaa ciidankii saldhiga dhexe ee Boorama. Balse  saraakiisha ka tirsan ciidanka Gobolka Awdal, ayaa sheegay in ragga weeraray  ciidanka jooga saldhiga dhexe ay ku hubaysnaayeen hubka noocyadiisa kala duwan, kuwaasoo saddex jaho oo kala duwan ka soo galay saldhiga dhexe, rasaasna saddex jaho kaga fureen, ka dib ciidamadii ku sugnaa saldhiga kaga naxsadeen, iyadoo afar askari ku dhaawac-meen  rasaas xoog badan oo lagu furay ciidanka joogay saldhiga ee dagaalku dhex-maray jabhada weerarka ku soo qaaday saldhiga dhexe ee magaalada Boorama.

Sidoo kale,  jabhada weerartay Saldhiga dhexe ee magaalada Boorama, ayaa la sheegay in saldhiga ay kala baxeen laba nin oo ku xidhnaa saldhiga dhexe ee Boorama, isla markaana jabhada weerarka ku soo qaaday saldhiga dhexe ee Boorama, ayaa la sheegay in ay magaalada Boorama uga baxeen jahada dhanka Galbeed ee buuralayda Gobolka Awdal.

Geesta kale, Taliye ku-xigeenka ciidanka booliska Somaliland Gen. Faarax Maxamed Mire (Shiiniile), oo ka hadlay ragga weerarka ku soo qaaday saldhiga dhexe ee magaalada Boorama.”Saaka waaberigii, wakhtigii salaada koox yar oo qas wadayaal ah ayaa rasaas ku soo riday saldhiga dhexe ee Boorama. Ciidamada bilayska ayaa si geesinimo leh uga hortegay.Nimankiina eryaday, ilaa xaduudka Itoobiya ay galena eryanaayey. Haddana Gobolkii waa nabad.Nimankiina Xadka Itoobiya ayey ka gudbeen, wixii war ah ee dheeraad ah dib ayaan ka soo sheegayaa,”Sidaa ayuu yidhi Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Somaliland Gen. Faarax Maxamed Mire (Shiiniile).

Baraarugnews@gmail.com

Caarshe7@hotmail.com


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here