Tiradda Taliye Iyo Hogaano Ka Tirsan Ciidanka Militariga Somaliland Oo Xilkii Laga Qaaday &Askar Ciidanka Ah Oo Ka Hadashay Sababta Shakhsiyaad Gaar AH Loo Bartilmaameedsanayo

0
546
Tiradda Taliye Iyo Hogaano Ka Tirsan Ciidanka Militariga Somaliland Oo Xilkii Laga Qaaday &Askar Ciidanka Ah Oo Ka Hadashay Sababta Shakhsiyaad Gaar AH Loo Bartilmaameedsanayo
Tiradda Taliye Iyo Hogaano Ka Tirsan Ciidanka Militariga Somaliland Oo Xilkii Laga Qaaday &Askar Ciidanka Ah Oo Ka Hadashay Sababta Shakhsiyaad Gaar AH Loo Bartilmaameedsanayo

Hargeysa, (Baraarugnews.net)- Taliyaha ciidanka qaranka Somaliland Nuux Taani iyo taliyeyaasha  qaybaha guutooyinka ciidanka Militariga ee jiidaha hore ee xaduudaha Gobolada bariga ee  Somaliland, ayaa khilaaf xoogan ka dhex-taagan yahay iyo kala shaki weyn oo xilliga soo kala dhexgalay ciidamada qaranka, halka gashaanle sare iyo hogaano xilka qaadis iyo xadhig qabasho ah la isugu daray.

Taliyaha ciidanka militariga Somaliland Nuux Taani, ayaa xilkii ka qaaday Taliyaha xukuma guutooyinka ciidanka qaranka ee 31-aad ee fadhiya tukaraq ee Gobolka Sool Taliye Doolaal, isla markaana xadhig soo qabasho ah ku sameeyay isagoo lagu xidhay miiska saraakiisha Barjeex ee magaalada Hargeysa.

Qaar ka mid ah askar ka tirsan guutooyinka uu xukumi jiray Taliye Doolaal, kana gaabsaday in magacooda la sheego, ayaa u sheegay shabakada Baraarugnews.net ee xafiiskeeda Gobolada bariga Somaliland, in faragalin iyo talaabo la doonayo in lagu aar-goosto la doonayo in ciddanka qaranku fuliyaan iyo amaro aan waafaqsanayn nidaamka u yaala ciidanka militariga oo dano siyaasadeed ah ay ka dambayso qorshe Madaxweyne Muuse Biixi, Ganacsadayaal beeshiisa ah in loo fuliyo doonayaan, kuwaasoo u soo dhiibay Taliye Nuux Taani oo isna ka soo jeeda beesha Madaxweyne Muuse Biixi.

“Taliye Doolaal, waa hogaanka ciidanka ee jiida Bari, oo darajadiisu waa Gaashaanle Sare. Waxa hogaankiisa hoos yimaada oo uu xukumaa 13 guuto iyo talis oo saldhigoodu yahay Birjeex ee magaalada Hargeysa, Waxaana lagu magacaabaa 31-aad. 10 guuto.”sdaa isna waxa yidhi askar ka tirsan ciidanka qaranka oo ka gaabsaday in magacooda la sheego arrimo la xidhiidha samayn dhanka amaankooda oo la hadlay wakaalada Caalamiga ah ee Baraarugnews.net.

“Taliye Doolaal, wuxuu diiday oo taliyaha Nuux Taani isku qabteen in arrin ka baxsan waxyaabaha loogu talo galay ciidanka militariga Somaliland fuli ayaa lagu yidhi oo sharci ciidan iyo waxaas inta ka baxdo qaado amarka oo dir ciidankaada, taasna wuu ku gacansaydhay Taliye Doolaal. Dabadeed hawl-galkaas oo sharciga militariga ka baxsan ayaa lagu xidhay Taliye Doolaal. Taliye Doolaal waxa magacaabi-kara, xilkana ka qaadi kara Madaxweyne Muuse Biixi, sidda sharciga Militariygu dhigayo ee Somaliland.”sidaa waxa yidhi askar iyo saraakiil ka tirsan ciidamada kala duwan ee Guutooyinka 5-aad, 3-aad oo ka tirsan qaybta 31-aad ee uu xukumi jiray Taliyaha xilka qaadista iyo xadhiga la isugu daray ee Doolaal.

Geesta kale, isna waxa shalay xilka laga qaaday hogaankii hubka iyo rasaasta ee ciidanka militariga Somaliland Maxamed Faarax Gahaydh oo ka soo jeeda beesha Taliyihii qaybta 31-aad ee Doollaal oo labadooduba ka soo jeedaan Beesha Arab.  “hogaankii hubka iyo rasaasta ee ciidanka militariga Somaliland Maxamed Faarax Gahaydh oo ka soo jeeda beesha Arab, ayaa shalay xilkii laga qaaday, lagana caydhiyey jagadii hogaanka hubka iyo rasaasta ciidanka. Markii la xidhay Doolaal ayaa, isna xilkii laga qaaday.Arrintan waa arrimo dano qarsoon iyo siyaasad u qorshaysan oo Madaxweyne Muuse Biixi iyo ganacsadaha ina Awsiciid ayaa soo maleegay.”Sidaa ayuu yidhi Sarkaal ka tirsan ciidanka qaranka oo ka cudur daartay in magaciisa la faafiyo.


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here