Tixda Abwaan Haybe Hal-beeg:-“Dayr, Higil Madoobaadey Haduu Haylimaas iyo Dabayl..”

0
172

Baraarugnews.net)’-Abwaan HAYBE Axmed Yuusuf o.o tiriyey TIX la magacbaxday oo la yidhaahdo tixda sidan,HAL – BEEG.
Abwaan Haybe. Ahmed. Yusuf oo ku book carina maraykanka ayaa tixda hi tiriyey ee halbeeg Waana. sidan.”Ha’da gabay higaadiyo Murtida, haybadiyo luuqda

Hal abuurka Midhihiisa iyo,
Heeladiyo jiibta

Hoobaalaydii Lagu Yiqiin,
Hooriskiyo Jaanta

Halxidhaale ruux geli nayiyo,
Hawl Karnimo buuxda

Heenseeye maansadi Hufnayd,
helid ogaan teeda

Henfedaha Tixaha Kaa Diliyo,
Habaq lahaa booba

Hadal debecsan hawraar Luntiyo, hubin la,aan teeda

Hirig qodaxle haasaawe jaban,
Hibasho laalaada

Indhoweyd hanaankiisa gabay,
Haakah maan odhane

Ma hir gelinin maansoonyinkii,
Kumaan hawshoone

Waataan Ka Haajirey Markay,
Hoojiyeen Badiye

Iyadaan Habays Nayn Markii,
Hoobey Lagu Qaaday

Hakad geliyey goortay Murtida,
Hebed ku maaleene

Caawana hubaal waxan jeclahaa,
Hoga tus waayeele

Sida hogol kaliishii da’doo Aan,
Hilaac bixinin

Markuu Haylimaastoo Cabdoow,
Heego Soo Kicisay

Isagaan Han qadhin baan Rabaa,
Inan hilaad shaane

Habiskiisu meeshuu ku dhaco,
Hawre geeduhuye

Hir Caleenle Heemaal Dugsile,
Haro tilmaan Weynle

Hundo Raacyey Geeluba
Markuu, Hawdka Soo Galo’e

Nin haraaday hoosiisku waw,
Hadhac la seexdaaye

Hubsadaay tixdani waa,
Halbeeg, waana hoos Dhabane

Waa hilin la soo Raaco Iyo,
Hibo ilaahaye

Waa hooso lagu kaydiyaa,
Hodanka suugaane

Hayeeshee markii lagu Habsadey,
Hore tubyeyn teeda

Hadhuudh daatay hawshiisu Badan, haafna ciid noqoye

&&&&&&&&&&
&&&&&&&&&&

Agartalaa habeeyaye Hadaan,
Hore usii qaado

Hambalyeeyo ruuxii Hubsada,
Ha’iyo wow geeda

Hide qaran lahaa sow Murtidu,
ugu horayn mayso

&&&&&&&&
&&&&&&&&

Cir hogleeyey hoorhoooray
Dayr, higil madoobaadey

Haduu haylimaas iyo dabayl,
Hawlo soo kiciyo

Ama heega dhaco beeshu Waa,
inay hayaamaane

Heegaale goortuu ku simo,
Haatan lagu guurye

Hayin adag ninkaan haysan iyo,
Hawlkar nimo buuxda

Ma haweysan karo Reerihii,
Haadla marayaaye

Ana waxa hubaal idin fariyo,
Hadalka weedhaydu

Hadyad weeye gabay gaygu iyo, heegankii dhaqane

Hide weeye lagu kaydiyaa,
Heesihii jireye

Hadal barasho weeyaan ilmaha,
Hooyo ababkeeda

Adigaan higaadii ka tegin,
Hadalka waayeelka

Umad waliba waxay Haysataa,
Hadala – deediiye

Hirashada horseed kiisa
Waa, horumar keeniiye

Hanti aad lahayd Ruuxa yidhi,
Haraga aan saaro

Ruuxii ku hawlani inuu,
Idin hilmaam siiyo

Haantaaqo weeyaan siday,
Ugu hamuu meene

Haydaaradiyo ceebtu waa,
Lagu halaag maaye

&&&&&&&&&&
&&&&&&&&&&

Agartalaa habeeyaye Hadaan, hore usii qaado

Hambalyeeyo ruuxii Hubsada,
Ha’iyo wow geeda

Hide qaran lahaa sow Murtidu,
ugu horayn mayso

&&&&&&&&
&&&&&&&&

Coming Soon.


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here