Tubaakada Ugu khatarsan Adduunka Oo dhalinyarada SomalilandOo lagu barayo gudaha magaalada Hargeysa

0
92
Tubaakada Ugu khatarsan Adduunka Oo dhalinyarada SomalilandOo lagu barayo gudaha magaalada Hargeysa

Hargeysa, (Baraarugnews.net)-Anigoo la yaaban koradhka iyo isticmaalka hashiishada dalkeena ayaan haddana saaka aroornimadii la kulmay xaflad wey oo loo qabtay suuqgeynta nooc ka mid ah tubaakada ugu khatarta badan ee ka mabnuuca ah dunida, saddex dal mooyaane. (Illegal tobacco)Tubaakada Ugu khatarsan Adduunka Oo dhalinyarada SomalilandOo lagu barayo gudaha magaalada Hargeysa

Xafladaas oo lagu qabtay Hudheelka Maansoor saaka aroornimada, waxaana loo qabtay tababar dhalin yaro tiradoodu gaadhaysay 96-dhalin yaro ah, oo lagu tijaabiyey isticmaalka tubaakada la dhigayo canka hoostiisa ee loo yaqaano Epok Lime White Slim Portion Snus” oo dusha sare lagaga qoray far-af soomaaliya ( Badeecadan waxa ku jira nicotin la qabsi sare leh) waxa kale , oo dusha kaga qoran goobaabo cas oo lagu dhex qoray 18 oo dusha kaga taalo isku talaab, taasoo macnaheedu noqonayo 18-jir wixii ka hooseeyaa waa khatar isticmaalkeedu.

Tubaakadan oo miisaankeedu ahaa 16.8 gram, waxa ay ka koobaneyd, qoyaanka urta cinabka ama walxaha biirka laga sameeyo, nicotine 8.5mg/g iyo walaxda nitrosamines 14mg/g. taasoo ah walax qofku marka uu isticmaalo khalkhal galinaysa macdanta jidhka ku jirta, isla markaana ku keenaysa in uu raadiyo walaxdaas isticmaalkeeda, haddii uu waayana waxa ay wax weyn ka badelaysaa shaqada wadnaha, maskaxada iyo ruuxda aadamaha.

Tubaakadan ayaa laga joojiyey dabayaaqadii dagaalkii labaad ee aduunka, taasoo dib loo soo istaadhay sannadkii ina dhaafay, waxaana dusha kaga xardhan qoraal lagu qoray af-soomaali ( Badeecadan waxa ku jira nicotin la qabsi sare leh).https://www.sciencedirect.com/…/…/abs/pii/S0306460318313091…

https://www.webmd.com/smoking-…/…/snus-tobacco-health-risks


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here