u-jeeddada:-Kulan Dhex-maray Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Madax-dhaqmeed Beesha Garxajis Ah Iyo Baroortii Aqalka Madaxtooyada Hargeysa&Qaabka Muuse Soo dhigay in lagu Burburiyo Jabhada Taliye Caare

0
741
Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Madax-dhaqmeedka Garxajis

Hargeysa,(Baraarugnews.net)- Kulan qarsoodiya oo dhuumasho ah ayaa ku dhex-maray  Madaxweyne Muuse Biixi, Madax-dhaqmeed u badan  Beesha hooyadii tahay ee Ciidagale, abtigana u ah Madaxweynaha Muuse Biixi Cabdi iyo xubno tirro yar oo la soo qasbay  qayb ka ahaayeen oo  ka soo jeeda Salaadiinta Beesha Habaryoonis, isla markaana Muuse Biixi ayaa la sheegay inay ka wada hadleen Madax-dhaqmeedka beesha Garxajis Jabhada uu ka sameeyay duleedka magaalada Qardho oo ka tirsan deegaanka maamul-goboleedka soomaaliya ee Puntland.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo ka ag-dhaw aqalka Madaxtooyada  Somaliland, ayaa u sheegay Wakaalada Baraarugnews.net xafiiskeeda magaalada Hargeysa, in Madaxweyne Muuse Biixi uu kulankaa  dhex-maray madax-dhaqmeedka Beesha Garxajis, gaar ahaan u badan beesha Ciidagale  markii ay u yimadeen, Muuse Biixi oo hadalka ku horeeyay u sheegay ujeeddada uu ugu yeedhay madax-dhaqmeedka Beesha Garxajis inay tahay dagaal uu doonayo ama uu qorshaynayo innuu ku soo qaado xukuumadiisa sarkaalka hogaamiya jabhada  dib u xoraynta  cadaalad-darada iyo dulmiga haysta shacabka reer Somaliland (D.X.N), Taliye Caare iyo askar kale oo isugu jirta saraakiil ka tirsanaa ciidanka  militariga qaranka Somaliland oo ku sugan xarumo Saldhigyo ay ka siisay deegaankeeda maamulka Puntland. Isla markaana Madaxweyne muuse Biixi Cabdi, ayaa la sheegay innuu kulankaa ka jeediyey hadalo u badan tawaawac iyo garnaqsi uu lahaa dhibaatooyin iyo hagar-daamo badan ayey isoo gaadhsiisay Beesha Garxajis  fuulitaankii kursiga Madaxweynimada Somaliland  iyo intii uu hogaaminayey dawladiisas, Iyadoo la sheegay in Muuse Biixi ku yidhi Salaadiinta Beesha Garxajis, gaar ahaan bulshada Beesha Habaryoonis gude iyo dibad-ba ka faafiyeen borobogaadho iyo dacaayado lagu dilay ama lagu wax yeeleeyay haykalkii dawladiisa  uu hogaamiya iyo heerkii ay caalamka ka joogtay oo hoos dhac-weyn ku yimi halkii Somaliland dawlada Caalamka ka joogtay, ayaa la sheegay in  Madaxweyne Muuse Biixi kulankaa dhex-maray Madax-dhaqmeedka Beesha Garxajis ka sheegay. Xogahaa ayaa intaa ku daraaya In Muuse Biixi oo hadalkiisu u badnaa beer laxawsi uu ku beer-laxawsanayey Suldaano iyo Jiif-caaqilo ka soo jeeday dhinaca Beesha Ciidagale u dhacayeen idinka ayaa ixiga, oo idinka ayaa Idhalay,  abtiyaal inan kiinii (BeeshaCiidagale),  miyaan aheyn?

Waxa kale, oo xogahaa ayaa sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi oo hadal dheer oo u badnaa cabasho uu ka cabanayo Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro iyo Salaadiin iyo bulshada beesha Garxajis uu kulankaa ka sheegay inay u keenaan Taliye Caare, hoosna u wada heshiisiiyaan Taliye Caare, oo uu kala diro jabhada uu kaga dhawaaqay maamulka Puntland,iyadoo xogahaasi xuseen  in Muuse Biixi uu balan qaaday innuu Caare guri uga dhisidoono magaalada Hargeysa iyo  Mushahar fiicana u qoridoono, ama  inay ku qanciyaan innuu dibada loo  qaado, si loo moodo innay ka socon wayday ama baqay innuu dagaal ku soo qaado gudaha Somaliland, ka dib si ay saraakiisha ciidanka qaranku u baqaan oo cid kale u goosan, una baqaan, haddii laakiin la maslaxo oo siweyn loogu soo dhaweeyo aqalka Madaxtooyada Hargeysa  ay keeni-karto daba-furan oo Saraakiil kalena qaadan jidkii Caare, si taas u dhicin inay ka jaheeyaan Taliye Caare oo soo afjaraan jabhadiisa oo kala diraana.

Sidoo kale, xogahaa ayaa xusay in madax-dhaqmeedka uu horkacayey Suldaan Cabdiqaadir ee Beesha Ciidagale, taasoo la tilmaamay in Muuse Biixi  la shaqaynayaan madax-dhaqmeedkii Beesha Ciidagale, halkaana Madax-dhaqmeedka Beesha Ciidagale oo markii horeba hoosta kala shaqaynayey Madaxweyne Muuse Biixi hadal guul wadayn ah marqaati ahna isla barbartaagay Madaxweyne Muuse Biixi, iyadoo la sheegay inay ku yidhaahdeen Madaxweyne Muuse Biixi in Caare dambiile yahay oo uu khalad ku kacay. Balse xogahaa ayaa sheegay in madax-dhaqmeedka la kulmay Madaxweyne Muuse Biixi isla qaateen inay doonaan Taliye Caare oo ku soo maslaxaan deegaanada uu ku sugan yahay ee Maamulka Puntland, iyadoo la sheegay in Madax-dhaqmeedka matalayey beesha Garxajis ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi u soo balan qaaday inay dhamaynayaan arrinta taliye  Caare, laakiin madax-dhaqmeedkaa ayaa la sheegay inay qorshaynayaan inay u baxaan dhinaca ay ku sugan yihiin Jabhada Caare ee Puntland.

Baraarugnews.net Email:-Caarshe7@hotmail.com


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here