U-jeeddada:- Kulanka Axmed Siilaanyo Iyo Muuse Biixi &Guragalkii Caawa Garabka Wasiiraddiisii Siilaanyo Ee Hogaamiyo Maxamuud Xaashi Iyo &Xil Ka Qaadista Gudd. Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye Shirka Magaalada Boorama

0
714
U-jeeddada:- Kulanka Axmed Siilaanyo Iyo Muuse Biixi &Guragalkii Caawa Garabka Wasiiraddii Hore Ee Hogaamiyo Maxamuud Xaashi Iyo Kulankii Caawa Gurigiisa Ku Dhex-maray Axmed Siilaanyo Iyo Kooxda Wasiiraddiisii &Xil Ka Qaadista Gudd. Golaha Dhexe ee Shirka Xisbiga Kulmiye Boorama
U-jeeddada:- Kulanka Axmed Siilaanyo Iyo Muuse Biixi &Guragalkii Caawa Garabka Wasiiraddii Hore Ee Hogaamiyo Maxamuud Xaashi Iyo Kulankii Caawa Gurigiisa Ku Dhex-maray Axmed Siilaanyo Iyo Kooxda Wasiiraddiisii &Xil Ka Qaadista Gudd. Golaha Dhexe ee Shirka Xisbiga Kulmiye Boorama

Hargeysa,(Baraarugnews.net)- Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Maanta Dalka dib ugu soo noqday,isla markaana Axmed Siilaanyo oo dalka dibadiisa ku maqnaa ayaa socdaalkiisa uu maanta ku yimi magaalada Hargeysa, waxa uu ku soo beegmayaa xilli khilaaf ka dhex-taagan yahay hogaanka xisbiga Kulmiye.

Axmed Siilaanyo oo ah aas-aasihii Xisbiga Kulmiye, immikana uu Guddoomiye ka yahay Kornayl Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa la sheegay in Maalinta Sabtida ee 23 bishan aynu ku jiro uu Shirka Golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE ka furidoono Gobolka Awdal ee  Magaalada Boorama, Balse Axmed Siilaanyo ayaa la sheegay innuu ka cudurdaartay inuu ka soo qayb galo shirka xisbiga Kulmiye oo uu sheegay innuu maanta yahay oday reer Somaliland oo cid gaar ahna dhabarka saaro aanu rabin ee uu dhex ka noqdo siyaasada Dalka Somaliland madaama uu ka fadhiistay arrimaha siyaasadda Soomaalida.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, kana ag-dhaw Axmed Siilaanyo ayaa u xaqiijiyey shabakada Wararka ee Baraarugnews.net Xafiiskeeda Wararka ee Magaalada Hargeysa, ayaa u sheegay in xubno ka mid ahaa Wasiiraddii xukuumaddiisii oo caawa ugu tegay Gurigiisa Axmed Siilaanyo oo ku yaala Xaafada shacabka Hargeysa,kuwaasoo ay ka mid yihiin  Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi, Cali Mareexaan, Qabo, Cabdillaahi Geel Jire iyo xubno kale ay ka codsadeen in Axmed siilaanyo ka soo qayb-galo shirka Golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye ee ka dhacaaya magaalada Boorama.

Xogahaa ayaa tibaaxay in Guddoomiyaha Golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye Jaamac Shabeel ee la doonayo in xilka lagaga qaado shirka Boorama oo garabka Maxamuud xaashi Cabdi hogaamiyo ka mid ah ee Wasiiraddii xukuumaddii Hore ee Axmed Siilaanyo inay kulan hoose la qaato Axmed Siilaanyo,islas markaana habeen dambe kulan wada yeelanayaan Muuse Biixi iyo Axmed Siilaanyo.

Sidoo kale, Ilo-wareedyadaa, ayaa xusay in Muuse Biixi sababta uu u doonayo innuu la kulmo Axmed Siilaanyo ay tahay innuu ka codsado innuu ka caawiyo dhinaca xidhiidhka madaxda dawladdaha Itoobiya, Carabta iyo dalalka Yurub gaar ahaa siduu booqasho ugu bixilahaa Ingiriiska iyo Itoobiya, oo wakhti xaadirkan xidhiidhkii ka dhaxeeyay Somaliland uu burburay oo aanu aheyn sidii Madaweynayeyaashii ka horeeyay Muuse Biixi, isla markaana  Muuse Biixi Cabdi ayaa wakhti xaadirkan ku jira godoon dhinaca siyaasadda arrimaha dibada, lana saaray cunaqabatayn dhinaca dawladda Itoobiya iyo waddamada taageeri jiray Somaliland ee dalalka Yurub.

Baraashug00@gmail.com or Caarshe7@hotmail.com


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here